Browsing Tag

loo

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka shiray sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Arbaco, April, 24, 2024 (AX) - Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan saacado badan qaatay oo ay gudaha dalka Kenya kula yeesheen Saraakiil sar sare oo ka socotay Wasaaradda Difaaaca dowladda Maraykanka. Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi waxa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ku wehlinaayay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya…

8 Sababood oo Xubnaha Gudiga loo eryi karo

1. Guddiga waxaa ku jira xubno aan qarsoodi ahayn oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah iyo NISA 2. Xubnaha Komishanku ma laha aqoon, karti iyo xirfad ay ku meel mariyaan doorasho adag oo heerkan ah 3. Xubnaha Guddigu waxay u badan yihiin kooxihii ka qeyb qaatay ololihii doorashada Hogaamiye Farmaajo ee 2017 4. Waxay ku bixisay miisaaniyad adag 2 milyan oo doollar muddo 4 bilood ah iyada oo aan wax tabarucaad ah lagu darin hirgelinta doorashada. 5. Waxay lumiyeen kalsoonidii xisbiyada siyaasadeed ee ku lugta lahaa…

Maxaa loo kala diray Rugta Ganacsiga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, isagoo magacaabay Rug Ganacsi oo KMG ah. Gudiga la magacaabay waxaa ka mid ah gudoomiye, laba ku xigeen iyo 30 xubnood oo ka socda ganacsatada dalka. Sababaha loo kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay dib u habeynta rugta iyo…

Qoor Qoor iyo Deni ayaa maanta markale kulmay si xal loo helo

Madaxweynayaasha Puntland Saciid C / llaahi Deni iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay ku kulmay magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu shalay gaaray madaxweynaha Puntland. Intii kulanku socday waxay labada dhinac ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan muranka ka taagan hanaanka doorashada, waxayna labada Hogaamiye si qoto dheer uga wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka. Sida ay sheegayaan wararka kulanka xalay ayaa ahaa mid hordhac ah,…

Sidee loo bixiyaa Qandaraaska Shidaalka Soomaaliya? –

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, Ibraahim Cali Xuseen oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay qaabka loo maareeyo qandaraasyada shidaalka ee Soomaaliya. Ibraahim wuxuu sheegay in guddigoodu uu ku howlan yahay sidii shirkadaha looga dhaadhicin lahaa inay u soo hiilliyaan Soomaaliya, maadaama ay ka baqayaan xaaladda ammaan iyo siyaasadeed ee dalka ka jirta. Wuxuu sheegay mid ka mid ah su’aalaha inta badan ay weydiiyaan shirkadaha maalgashiga shidaalka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More