Browsing Tag

Banaadir

Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay Shabakad si sharci darro ah ku buufineysay Bajaajyada

Talaado, April, 23, 2024 (AX) - Ciidanka Boliiska gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad ku eedeysan iney si sharci darro ah u buufinayeen Mooto Bajaajyada Muqdisho uga dhex shaqeysta magacyada kala ah A iyo B. Howlgal qorsheysnaa oo ciidanka ay ka sameyeen degmada Xamar jajab ayay kusoo qabteen shabakadaan iyagoo ku howlanaa buufinta sharci darrada ah ee Bajaajyada oo horay amar culus ugu soo saaray maamulka gobolka Banaadir. "Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidanka Saldhigga…

Maamulka gobolka Banaadir oo la wareegay shaybaar

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta la wareegay sheybaar lagu hubinayo tayada qalabka loo isticmaalo dhismaha, si loo helo guryo adkaysi badan oo noolaan kara muddo dheer. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sheybaarka lagu ogaan doono tayada qalabka loo isticmaalay dhismaha. "Sheybaadhkani wuxuu ka kooban yahay qaybo kala duwan oo la tijaabinayo, gaar ahaan 11 nooc oo ah qalab iyo qalabka dhismaha sida carrada, daamurka,…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More