Yuusuf Dabageed oo loo doortay Hogaamiye ku xigeenka DG

Waxaa soo idlaatay doorashada Hogaamiye ku xigeenka DG Hir-Shabeelle oo ay u tartameen Yuusuf Axmed Hagar Dabageed & Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere) oo horay ula soo shaqeeyay Maamulkii Maxamed Cabdi Waare.

Sida lasii saadaalinayay waa uu ku guuleystay Xilka Hogaamiye ku xigeenka DG Hir-Shabeelle kadib markii uu helay 87-Cod, halka musharax Maxamed Dheere uu hantiyay 12-cod, isugu geyn waa 99-xildhibaan, mana jirin cod halaabay.

Yuusuf Dabageed oo hadal jeediyay ayaa Xildhibaannada doortay, Odoyaasha dhaqanka & goobjoogayaasha doorashada kahor sheegay in maamulkooda cusub uu la imaanayo waxqabad muuqda oo ka duwan 4-tii sano ee DG Hir-Shabeelle dhisneyd.

Dabageed ayaa la shaqeynaya Cali Guudlaawe oo 4-tii sano lasoo dhaafay isaga oo ku jira booska uu Yuusuf ku guuleystay garab taagnaa Cali Cabdullaahi Cosoble & Maxamed Cabdi Waare.

Howsha ugu culus ee hortaalla waa doorashada Federaalka 20/21 oo xubnaha Guddiga farsamada, xalinta khilaafaadka & doorashadaba uu diyaariyay Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More