Xubnaha cabashada laga gudbiyey ee guddiyada doorashada oo s…

Muqdisho (Axadle) – Waxaa saacadaha soo socdo la filayaa in go’aan kama dambeys ah laga gaaro xubnaha cabashada laga soo gudbiyey ee guddiyada doorashada labada heer oo ay midowga musharixiinta u gudbiyeen Ra’isulwasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Axadle, Guddiga heer wasiir ee xaqiijinta caddeymaha xubnahaas ayaa gelinka dambe ee Maanta illaa caawa soo kala saari doono xubnaha 67 ah ee khilaafka ka taagan yahay.

Sida ay ogaatay Axadle, guddiga heer wasiir ayaa go’aan ku gaaray in la badalo illaa 45 xubnood oo ka tirsan 67 xubin ee cabashada laga soo gudbiyey.

Guddiga ayaa Ra’isulwasaare Rooble u gudbin doono go’aanka ay ka gaareyn kala saarista xubnahaas, waxaana kadib la filayaa inuu si rasmi ah u faafiyo Xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Howsha loo xil saaray guddiga heer wasiir ayaa dhaaftay waqtigii loogu talagalay in go’aan laga gaaro, waxayna saameyn ku yeelatay jadwalkii loo dajiyey doorashada Soomaaliya oo 27 Bishii May ay si wadajir ah u saxiixeyn Ra’isulwasaare Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

Guddigan ayaa shaqadoodu tahay inay mid mid u baaraan xubnaha guddiga, kadibna go’aan kasoo gaaraan kuwa cabashada laga keenay ay saxda tahay si guddiga looga saaro, iyo kuwa aysan saxda aheyn ee ay tahay inaan la taaban.

Shaqada guddiga ayaa waxaa la sheegay inay saameyn ku yeelatay Villa Soomaaliya, waxaana soo baxeen shakhsiyaad awood ku dhex leh dowladda oo difaacaya xubnaha qaar ee cabashada laga keenay.

Shakhsiyaadkan ayaa waxaa ka mid ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan kuwaas oo guddiga ku qasbaya in xubnaha qaar aysan guddiga ka saari karin, ayada oo midba uu si gaar ah u difaacayo shakhsi gaar ah.

Go’aanka laga qaato xubnaha guddiga ee cabashada laga muujiyey ayaa dhaawici karta ama kor u qaadi karta kalsoonidii madax-banaani ee lagu qabay ra’iisul wasaare Rooble oo iminka wajahaya imtixaankiisa koowaad ee maareynta doorashada iyo abuurida jawi kalsooni geliya dhinacyada siyaasadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More