XASAASI: Barcelona Oo Laga Af-Duubanayo Gini Wijnaldum & Kooxda Miiska
Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa inay go’aansatay inay dhigeeda Barcelona tartan xilli dambe ah kula gasho khadka dhexe ee ree Netherlands ee Georginio Wijnaldum.
Tababare Ronald Koeman ayaa arki kara mid kamida xiddigaha bar-tilmaameedka weyn u ahaa suuqa xagaaga sanadkan oo u dhaqaaqaya dhinaca PSG.
Sida uu sheegayo il-wareedka xogtiisa lagu kalsoonaan karo ee ESPN, Paris ayaa miiska u saartay Gini Wijnaldum dalab ay adkaan doonto in Barcelona ay bar-barayso.
Barcelona ayaa xiddiga ka baxaya Liverpool isku day-day inay saxeexiisa samayso suuqii xagaaga ee 2020 balse hadda ayay doonaysaa inay qaab bilaash ah ku keento Camp Nou.
Kaddib markii ay Sergio Aguero iyo Eric Garcia qaab bilaash ah kagala saxeexdeen Manchester City, kooxda Catalan-ka ah ayaa doonaysa inay Wijnaldum isagana xor ku hesho maadaama oo ay dhaqaale ahaan wakhti adag marayso.
Wijnaldum ayaa hadda ku jira safka xulka Netherlands ee isku diyaarinaya tartanka EURO, go’aanka ayaa u muuqda mid gacantiisa ku jira haddii uu ku adkaysanayo heshiiskii uu hore Barcelona ula gaadhay iyo haddii uu aqbalayo midka qaaliga ah ee uu Paris Saint-Germain ka helay labadaba.