Xog: Qiimaha hubka la kala siisto ee Muqdisho oo sare kac uu ku yimid + Sababta

Muqdisho (Axadle) – Waxaa bilihii u dambeeyay la dareemayay sarre u-kac balaadhan oo ku yimid qiimaha magaalada Muqdisho la kala siisto hubka noocyadiisa kala duwan, xili ay xaalada dalka kasii dareyso.

Hubka uu sarre u-kaca ku yimid ayaa waxaa kamid ah qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47, waxaana dhamaantood hadda lagu iibiya qiimihii hore labo jibaarkeeda, sida ay ogaatay Axadle.

Suuqyada hubka ee loo yaqaano ‘Cir-toogte’ ayaa waxaa labadii bilood ee u dambeeyay saa’id loogu kala iibsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, tan iyo intii uu sii xoogeystay khilaafka doorashada dalka.

Sidoo kale sarre u kaca hubka ayaa loo sababeeynaya xaaladda ka jirtay gobolka Gedo, oo ay dowladda federaalka muddooyinkii dambe u daabuleysay hub kala duwan.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in dhinacyada u badan ee iibsanayay hubka ay kamid ahaayeen Musharaxiinta mucaaridka oo ayagu aad isku hubeynayey, kadib weeraradii kala duwan ee dowladda waqtigeedu dhamaaday ku qaaday 19-kii Febraayo iyo iska hor-imaadyadii u dambeeyay.

Xiisada u dhaxeysa Madaxda u sareeysa dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka ayaa waxay kasii dartay markii magaalada Muqdisho ka dhaceen shaqaaqo iyo isku dhacyo u dhaxeeyay oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Xaalada siyaasad ee dalka ayaa mareysa meeshii u sareysay, xili uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda, islamarkaana aysan jirin heshiis ama is-faham guud oo laga gaaray hanaanka doorashada dalka, mana cada halka ay wax sal dhigan doonaan.

Hoos ka eeg qiimayaasha markii hore iyo himika lagu kala iibsado Hubka;

Qooriga Dhashiikaha 21 kun oo dollar halka marki hore ahaa 15 kun oo dollar
Qooriga PKM 16 kun oo dollar halka marki hore uu ahaa 12 kun oo dollar
Qoriga RPG ama sabanka 3 kun oo dollr halka hore kun shan boqol oo dollar
AK47 $1,800 halka markii hore $1,100
Bastoolada $2,200 markii hore $1,500

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More