Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid vs Liverpool – Zidane Oo Xalliyey

Real Madrid iyo Liverpool ayaa ku sugan garoonka Alfredo Di Stefano ee magaalada Madrid oo ay ku wada ciyaarayaan lugta hore ee wareegga siddeedda tartanka Champions League.

Liverpool ayay ciyaartan dhaawac kaga maqan yihiin ciyaartoyda ay ka midka yihiin Jordan Henderson, Joe Gomez, Joel Matip iyo Virgil van Dijk oo dhamaantood loo badinayo in ay xilli ciyaareedka ka wada maqnaadaan.

Real Madrid ayaa iyadana musiibo ku habsatay maanta kaddib markii Korona Fayras laga helay difaaca reer France ee Raphael Varane oo ka sokow ciyaartan aan xataa lagu xisaabtami doonin kulamada Barcelona iyo lugta labaad ee Liverpool ee toddobaadka dambe.

Waxa kale oo ka maqan Sergio Ramos, Eden Hazard iyo Dani Carvajal oo dhamaantood dhaawacyo qaba.

Zinedine Zidane ayaa dhibaatada difaaca ee ku habsatay ku xalliyey Nacho Fernandes iyo Eder Militao oo uu difaaca dambe kusoo wada bilaabay, waxaana garbahooda taagan oo ay kaashanayaan Lucas Vazquez iyo Ferland Mendy oo labada baallood ah.

Khadka dhexe ayaanay waxba iska beddelin oo ay wada taagan yihiin Casemiro, Toni Kroos iyo Luka Modric, halka weerarkana ay Marco Asensio, Vinicius Junior iyo Karim Benzema ay kusoo wada bilowdeen.

Jurgen Klopp ayaa isaguna soo qaddimay Diogo Jota, Mohamed Salah iyo Sadio Mane, halka uu kaydka u diray Roberto Firmino.

Khadka dhexe ayay ka wada ciyaarayaan Fabinho, Wijnaldum iyo Naby Keita, halka difaacana ay kusoo wada bilowdeen Phillips, Ozan Kabak, Alexander-Arnold iyo Andy Robertson.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid XI: Courtois, Vazquez, Militao, Nacho, Mendy, Casemiro, Modric, Kroos, Asensio, Vinicius, Benzema.

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Phillips, Kabak, Robertson, Fabinho, Wijnaldum, Keita, Salah, Jota, Mane

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More