Xisbiga Wadajir oo walaac ka muujiyay dib u dhaca

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame .

Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa walaac ka muujiya dib u dhaca jadwalka doorashooyinka 2020/21 ee ay ku heshiiyeen Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Hogaamiye-yaasha Dowlad-goboleedyada iyo Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Qoraal uu soo saaray Xisbiga aadka u dhaliila habmaamulka Nabad iyo Nolol ayaa lagu yiri “Xisbigu waxa uu walaac xooggan ka muujinayaa in aan wali talaabo loo qaadan fulinta qodobadii lagu heshiiyay gaar ahaan jadwalka doorashadda”.

Xisbiga Mucaaradka ah ayaa taageeray mowqifka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku aadan soo xulista xubnaha labada aqal ee Gobaladda Waqooyi ka soo jeeda iyo qaabka loo marayo.

Heshiiska hogaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa lagu asteeyay in 10-ka Oktoobar 2020 illaa 20-keeda ay labada dhinac ku soo magacaabaan guddiyada hagi doona doorashada.

Soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixintana lagu diyaariyo bisha Nofeembar ee sanadkan.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhici doonta 1-da illaa 10-ka Diseembar, halka xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka Diseembar ee sanadkan.

Guddiga maamuli doona doorashada xildhibaannada maamul goboleedkasta ayaa ka koobnaan doona 11 xubnood oo sideed ka mid ah ay ka iman doonaan dhinaca maamul goboleedyada halka saddexda kalana ay dowladda federaalka ah soo magacaabi doonto.

Halka guddiga maamuli doona doorashada xildhibaannada Gobaladda Waqooyi la sheegay inay soo magacaabi doonto Xukumadda Federaalka ah iyagoo latashanaya siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobaladda Waqooyi.

Qodobkanse waxa ka soo horjeestay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo qoraal uu soo saaray ku sheegay in aysan xukumadda Soomaaliya awood u lahayn in ay soo magacaawdu guddiga maamulaya doorashada goboladda waqooyi ee dalka.

Murankaan oo ay wali ka aamusantahay Xukumadda Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Madasha Xisbiyadda Qaran oo dalbatay in si hufan oo musuq ka maran loo soo xulo mudanayaasha labada aqal ee matala Gobaladda Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More