Ryan Giggs Oo Warbixintii Ugu Horreysay Kasoo Saaray
Tababaraha xulka qaranka Wales, ahna halyeygii Manchester United ee Ryan Giggs ayaa beeniyey inuu dhaawacyo u geystay gabadha ay isku cindan yihiin ee Kate Greville.
Booliska ayaa xalay gudaha u galay guriga qasriga ah ee uu deggan yahay Ryan Giggs ee qiimihiisu yahay £1.7 milyan oo Gini, kaddib markii ay heleen telefoon lagu weydiisanayo gurmad degdeg ah.
Tababare Roy Keane oo ay da’diisu tahay 46 jir ayaa loo kaxeeyey saldhigga booliska oo lagu xidhay, waxaana la sheegayaa in arrintani ay halis gelin doonto shaqada tababarenimo ee xulka qaranka Wales oo laga yaabo in laga caydhiyo.
Warbixin hordhac ah ayaa waxay sheegtay in Kate Greville oo ay isku cindan yihiin Roy Keane, gurigana ku wada nool yihiin ay soo gaadheen dhaawacyo kaddib gacan ka hadal uu kula kacay Keane, taas oo keentay xadhigga.
Laakiin warbixin uu soo saaray qareenka Ryan Giggs ayaa waxa uu ku sheegay in kabtanka hore ee Manchester United uu beeniyey in uu gacan ka hadal u geystay gacalisadiisa Kate Greville, isla markaana sheekada lagu xidhay aanay ahayn mid u jirta sida loo dhigayo.
Wakiilladiisu waxay sheegeen inuu si dhow ula shaqaynayo booliska oo uu bixinayo macluumaadka looga baahan yahay, baadhitaankana uu ka caawinayo.
Xidhiidhka kubadda cagta Wales ee magacooda loosoo gaabiyo (FAW) ayaa iyaguna kansalay shir jaraa’id oo Salaasada maanta uu qaban lahaa Ryan Giggs, isla markaana uu ku shaacin lahaa xiddigaha xulka qaranka dalkaas ee kulamada caalamiga ah ee toddobaadka dambe.
“Waanu la soconaa eedaymaha dhacdada la sheegayo inuu tababaraha xulka qaranka ragga ee Ryan Giggs ku lugta leeyahay. Wuxuu la shaqaynayaa booliska, waxaanu sii wadi doonaa inuu ka caawiyo baadhitaanka.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed kasoo baxay xidhiidhka kubadda cagta Wales.
Ciidamada booliska ee Greater Manchester Police ayaa iyaguna war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in cinwaan ku yaalla Worsley, Salford laga soo wacay xalay fiidkii xilli ku beegnayd 22pm waqtiga UK oo ku beegan 12kii habeennimo ee saacadda Geeska Afrika, markaas oo lagu soo wargeliyey in dhaawacyo fudud loo geystay haweenayd ku jirta da’da 30-meeyaha.