Xigasho: Maxaa hakad geliyey shirkii dowladda Soomaaliya ee Khamiista? – Axadle
Muqdisho (Axadle) – Waxaa maanta lagu wadaa in Caasimadda Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa Axadle u sheegay in kulanka uusan dhicin shalay, laakiin aysan ogeyn sababta rasmiga ah. Xogta aan helnay waxay muujineysaa in maqnaashaha shirka loo arkaayo inuu saameyn weyn ku yeeshay khilaafka doorashooyinka dalka.
- Advertisement -
Sida aan xogta ku heleyno Wasiirada ayaan shalay soo xaadirin xafiiska R / wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xussein, halka aysan sidoo kale ka soo bixin qadka ZOOM.
Lama oga sababta rasmiga ah, laakiin waxaa jira warar sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo salka ku haya doorkiisa ra’iisal wasaare ee ololihii doorashada dalka. Xubno badan oo kamid ah golaha wasiirada ayaa la sheegay inay yihiin kuwa taageersan Madaxweyne Farmaajo.
Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo aan la hadalnay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu shalay ku mashquulsanaa xalinta arrimaha ka taagan gobolka Banaadir isla markaana kulanka la soo xiray.
Dhanka kale, afhayeenka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallin ayaa xalay beeniyay wararka sheegaya in Rooble uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado qaar ka mid ah wasiirradiisa. Warkan oo saacadihii la soo dhaafay lagu faafinayay baraha bulshada ayaa sheegaya in Rooble uu isku dayay inuu helo wasiiro ku dhow Farmaajo, iyadoo laga shakisan yahay inuu jiro farqi u dhexeeya labada masuul.
Rooble iyo Farmaajo ayaa dagaal ku jiray tan iyo markii Rooble uu Talaadadii qaatay go’aan uu ku diiday muddo kordhinta Farmaajo, iyo in dowladda ay weerari doonto xoogagga ka soo horjeeda muddo kordhinta ee Muqdisho.
Go’aanka Rooble ayaa soo afjaray damacii Farmaajo ee mudo kordhinta iyo adeegsiga xoog ee ka dhanka ah xoogaga mudo kordhinta ee kusugan Caasimadda Muqdisho, taasoo aad uga xumaatay madaxweyne Farmaajo sida aan xogta ku helnay.