Xagee kala marayaan Trump & Biden loolanka Aqalka cad ee
Mareykanka waxaa weli ka socota tirinta codadka doorashada iyadoo weli laga dhursugayo cidda ay guusha raaci doonto, waxaana doorashadan codkooda ka dhiibtay in ka badan 160 malyan oo qof.
Donald Trump wuxuu ku anddacooday in uu guul gaaray isla markaana ku eedeeyay Dimuqraadiga in ay geysteen wax is dabamarin, wuxuu barta Twitter-ka soo dhigay qoraallo dhowr ah oo shirkaddaas barta bulshada ay ku tilmaamtay kuwo marin habaabin ah oo uu ku sheegayo in dadka tartanka kula jira inay ku shubteen codadka. Xaaladda sidaa ma ahan, weli waxaa socotaa tirinta codadka.
Hadda waxaa la saadaaliyay in Biden uu ku guuleysan doono codadka laga dhiibtay gobolka Michigan, halka warbaahinta Mareykanka ay saadaalinayaan in uu guul ka soo hoyin doono gobolka Wisconsin, gobollada kale ee muhiimka ah ee la isku hayo waxaa ka mid ah Arizona, Nevada, Georgia iyo Pennsylvania.
Codadka uu ku guuleysan karo musharrax ee ergada gobollada, wuxuu Biden ka heystaa illaa 243, halka Trump uu heysto 214. Qofka guuleysanayo waxaa laga doonayaa in uu helo 270 codadka ergada ah oo guusha horseedi karta.
Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa waxaa looga baahan yahay cidda tegi doonto Aqalka Cad.
Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, waxaa looga baahan yahay in uu sii xoojiyo guusha uu hadda ka gaaray gobollada Arizona, Nevada iyo Wisconsin. Haddii weli uu sii hogaamiyo gobolladaas, waxay ka dhigan tahay in uu keeni karo 270 oo ah codadka guusha u horseedi kara.
Gobolka Michigan waxaa natiijada ku hogaaminayaa Biden xilli inta badan la tiriyay codadka laga keenay deegaanada ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Dimuqraadiga. Marka galabkii waxaa loo saadaalinayaa in uu ku guuleysto codadka gobolka, halka Wisconsin na la saadaalinayo in uu guul ka gaaro, waana meesha ay Jamhuuriga codsanayaan in dib loo tiriyo codadka.
Biden wuxuu guul ku guuleystay gobolka Arizona iyadoo ay weli harsan yihiin tirinta codad badan, balse gobolka Nevada wuxuu Biden ku hoggaaminaya codad kumanaan ah, iyadoo la tiriyay codadkii ay ku tiirsanaayeen jamhuuriga halka codadka soo haray ay yihiin kuwa dimuqraadiga.
Sida Biden, Trump waa in uu xajistaa guusha uu ka garay gobollada soo haray sida Pennsylvania iyo Georgia. Xisbiga Jamhuuriga waxaa looga baahan yahay in ugu yaraan uu ku guuleysto mid ka mid ah gobollada uu hogaaminayo Biden ee aan soo sheegnay.
Natiijada gobolka Nevada ee Biden iyo Trump waa mid aad isugu dhaw, waxaana laga yaabaa in codad yar uu ku badiyo Trump, waa haddii codadka la keeni doono galabta ay noqdaan kuwa Jahmuuriga oo aysan noqon kuwa Dimuqraadiga, sida la filayayba.
Natiijida gobolka Arizona waa arrin muhiim u ah qofka noqonaya madaxweynaha, sida gobolka Nevada, waxa jiro codad badan oo aaan la tirinin. Guusha Biden uu ka gaaray gobolka Arizona waxay ka weyn tahay tan uu ka gaaray Nevada, balse waxaa suuragal ah in wax is beddelaan.
Gobolka Wisconsin, waxay u muuqataa in Trump uusan wax rajo ah ka qabin maadama boqolkiiba 99 codadka la tiriyay.
BBC+ Axadle