“Waddooyinka xiran waala furaa marka laga gudbo duruufta
Dowladda Federaalka ayaa furtay qaar kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood waqti dheer xiran, waxaana ugu dambeysay wadada isku xirta Isgoysyada KM4 & Tarabuunka.
Xalay ayaa la dhameystiray qorshaha lagu qaaday dhagaxaanta Gidaarka u ahaa dhismaha Safaaradaha Turkiga & Qadar oo isaga kala dambeeyay Dhismo ku yaalla oo ay saldhigteen sanado kahor.
Dadka ayaa wareeg dheer usoo mari jiray Isgoyska KM4 iyo Dhismaha Madaxtooyadii Hogaamiye Cabdiqaasim Salaad Xasan, maadaama dhagaxaanta adag ee lagu wareejiyay Safaaradda loo yeelay Ganjeel (Albaab).
“Wadadaan inta ay xirneed wareeg dheer ayaan usoo mari jiray KM4 aniga oo arkaya Gawaarida & Dadka maraya, Ardayda ayaa u badan dadka wareegga dheer geli jiray, waqti aad u badan ayaan u qorsheyn jiray maadaama wareeg dheer aan soo marayo” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay mid kamid dadka joogtada u isticmaala wadadaan.
Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble & mas’uuliyiin u badan maamulka Gobolka Baanadir ayaa kormeer ku tagay wadadaan oo xiligaas ka socotay howlo lagu qaadayay dhagaxaanta lagu jaray.
Rooble wuu qiimay, kadibna wuu ka tagay, balse waxaa Warbaahinta la hadlay Axmed Xasan Iimaan Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda Ahna ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in muddo dheer kadib jidkaan in loo furay shacabka.
Axmed Xasan Iimaan ayaa sheegay in duruufaha dhanka Amniga ay sababeen xirnaashiyaha waddooyinka iyo meelaha muhiimka ah u shacabka in loo furo isu socodkooda, balse waxa uu shuruud uga dhigay ka gudubka duruudaha keenay xiritaanka.
Axadle.