UN-ka:-Sucuudiga waxa handadaad ku hayaa khurada

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sucuudiga ay handadaad ku hayso khuburada madaxa banaan ee hogaaminaysa  baaritaanka dilkii saxafiga Jamal Khashoggi oo lagu eedeeyay dhaxalsugaha Sucuudiga.

- Advertisement -

Afhayeenka Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Rupert Colville ayaa xaqiijiyay sax ahaanshaha faahfaahinta lagu daabacay wargeyska Guardian ee la xiriirta hanjabaadaha loo jeedinayo Agnes Callamard, khabiirka Qaramada Midoobay ee baaraya dilka wariyaha.

Wargeyska The Guardian ayaa Talaadadii ka soo xigtay Callamard inuu yiri sarkaal Sacuudi ah ayaa ku hanjabay in “la dilidoono” haddii aan dib loogu celin baaritaanka ay ku hayso dilka saxafiga.

Colville wuxuu intaas ku daray in xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay uu ku wargaliyay Callamard hanjabaadaas marka lagu daro warbixin siinta amniga iyo maamulada UN-ka.

Callamard waxay u sheegtay wargayska Guardian in hanjabaada loo gudbiyay shirkii Janawari 2020 ee saraakiisha Sucuudiga iyo UNka ee Geneva iyo in ay u sheegtay dhacdada nin ay wada shaqeeyaan UN.

Callamard wuxuu hogaamiyay baaritaanka UN-ka ee dilkii Khashoggi ee Oktoobar 2018 ay dileen wakiilada Sacuudiga ee qunsuliyada boqortooyada Istanbul.

Hanjabaad dil ’

Waxay soo saartay warbixin sanadkii 2019 iyadoo ku soo gabagabeynaysa inay jirto “cadeymo lagu kalsoonaan karo” oo ah in Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman (MBS) iyo saraakiil sarsare oo reer Sacuudi ah ay mas’uul ka ahaayeen dilka wariyihii wargeyska Washington Post iyo muwaadin Mareykan ah.

Waxay markii dambe ku baaqday in cunaqabateyn lagu soo rogo hantida amiirka iyo in la xadido ka qeyb qaadashadiisa caalamiga ah.

Amiirka ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku lahaa dilka laakiin wuxuu sheegay inuu dusha saaranayo mas’uuliyadda ugu dambeysa maxaa yeelay waxay ku dhacday isaga oo ilaalinaya.

Hanjabaada la sheegay ayaa la sameeyay intii lagu guda jiray kulan dhexmaray dublamaasiyiinta sacuudiga ee fadhigoodu yahay Geneva, wafdi sacuudiga ah oo booqasho ku yimid iyo saraakiil ka tirsan UN-ka, sida ay ku warantay Guardian.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More