DEG-DEG: Mid Kamida Xiddigaha Kooxda Lazio

Kooxda ree Talyaani ee Lazio ayaa si rasmi ah u shaacisay geerida da’yarkii kooxdeeda ee Daniel Guerini oo 19 sano jir ahaa isla markaana ku geeriyooday shil gaadhi oo uu ku galaya magaalada Rome.

- Advertisement -

Wararka ayaa sheegaya in shilkaasi uu ka dhacay 8-dii fiidnimo ee xalay magaalada Rome iyadoo ay laba shaqsi oo kale kula lug lahaayeen Guerini isla markaana la xusay inay ku jiraan xaalad aad u adag.

Qaar kamida shaqaalaha dab-damiska ee magaalada Rome ayaa si deg-deg ah uga hawl-galay arrintaas balse waxa ay awoodi waayeen badbaadinta Guerini oo ay ugu dambayn Lazio xaqiijisay geeridiisa.

“Waxa na argagax geliyay xanuunka, madaxweynaha iyo dhammaan shaqsiyaadka ka hawl-gala Lazio waxa ay la jiraan qoyska da’yar Daniel Guerini” ayaa lagu yidhi warbixin rasmi ah oo ay soo saartay Lazio.

Guerini ayaa waayihiisa ciyaareed ka bilaabay Lazio kahor inta uusan ku biirin da’yarta kooxda Torino sanadkii 2016, kaddib markii uu laba jeer amaah ku tagay Fiorentina hal marna Spal waxa la filayay inuu Lazio dib ugu biiri doono.

Sidoo kale 19 sano jirkaas ayaa kasoo muuqday xulalka da’yarta ee Talyaaniga ee kuwa 15 sano jirada ka yar iyo kuwa 16 sano jirada ka yar labadaba.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More