Uhuuro Kenyaatta iyo taliyaha Africom oo ka wada hadlay

Hogaamiyaha dalka Kenya Uhuuro Kenyatta ayaa xaruntiisa Madaxtooya kula kulmay Taliyaha ciidanka Mareykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend, toddobaadyo kahor inta aysan ciidamada Mareykanka ka bixin Soomaaliya oo khilaaf xoogan kala dhexeeyo Kenya.

- Advertisement -

Sida ay baahisay Madaxtooyada Nairobo Kenyatta iyo Townsend ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga militari ee ka dhaxeeya ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan qaaradda Africa.

“Hogaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi kula kulmay Gen. Stephen Townsend oo ah taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga militari ee ka dhaxeeya ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka” ayaa lagu yiri noqol lagu faafiyay Kenya State House.

Gen. Townsend iyo Kenyaatta waxaa kulanka ku wehliyay Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya Gen. Robert Kibochi iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya Kyle McCarter, iyaga oo diidarada waxa loogu yeero ladagaalanka Argagixisa.

Wada xaajoodkaan ayaa ku soo aaday iyada oo taliska Maraykanka ee Qaaradda Afrika uu dhawaan ku dhawaaqay in ciidan Ameerikaanka ah ee ku sugan Soomaaliya laga saarayo iyada oo la dajin doono mid ka mid ah saldhigyada Maraykanku ku leeyahay wadamada dhaca geeska Afrika gaar ahaan Kenya iyo Jabuuti.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhibsatay in Maraykanka oo tababaro iyo saad ciidan siijiray Unaga caanka ah ee Danab uu ka baxo Soomaaliya,taas oo falanqeeyayaashu ku tilmaameen mid aan xilligaan loo baahnay in Washington ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More