Taageerayaashu waxay doortaan riyada Ballon d’Or

Xiddigaha sida Gianluigi Buffon, Zinedine Zidane iyo Andrea Pirlo ayaa lagu soo daray kooxda riyada kadib markii taageerayaasha kubada cagta ay fursad u heleen inay u codeeyaan kooxdooda riyada ee Ballon d’Or.

- Advertisement -

Dhamaan seddexda ciyaaryahan waa laga saaray aasaasida France Football, 140 saxafi oo ka kala yimid daafaha adduunka ayaa u codeeyay dhismaha si loo arko kan ugu fiican adduunka abid.

Majalada France Football ee bixisa abaalmarinta Ballon d’Or ayaa markaa kadib dareenkeeda u jeedisay taageerayaasha iyaga oo u ogolaaday in ay u codeeyaan shaxdooda riyada ee Ballon d’Or.

Saddex isbedel ayaa lagu sameeyay safka hore, iyadoo Gigi Buffon lagu beddelay goolhaye Lev Yashin, Andrea Pirlo ayaa lagu beddelay halyeeyga Jarmalka Lothar Matthaus iyo Zinedine Zidane oo ka fogaanaya King Pele.

Cafu, Franz Beckenbauer, Paolo Maldini, Xavi, Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Ronaldo Nazario ayaa dhamaantood kasoo muuqday labada liis ee saxafiyiinta iyo taageerayaashu u codeeyeen.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More