MW Farmaajo Kaddib, Xulashada 2aad ee Qatar… Kheyre mise

Loollanka dowladaha Khaliijku ugu jiraan  haddii ay u suuragasho taageeridda & soosaarashada madaxweyne fuliya siyaasadahooda ku wajahan Soomaaliya si gaar ah islamarkaana kaalin ka qaata hirgelinta masaalixdooda gobolkaba si guud, sir ma aha hadda iyo wixii ka dambeeya.

In aan arrintu sir ahayn waxa muujiyey casuumaadda ay Abu-Dhabi u fidisay dhowr kamid ah musharraxiinta ugu dhaqdhaqaaqa badan ee olelaha doorshada madaxtinimada Soomaaliya 2021, dhanka kale waxa taagan dowladda yar ee Qatar oo sida falanqeeyeyaashu fahamsan yihiin taageereysa madaxweynaha xilkiisu gabaabsiga yahay sidaas oo kalana uu jiro dareen ku aaddan in ay ka fikireyso musharaxiin kale oo noqon kara xulasho labaad ama saddexaad! Kuwaas oo ay uga danleedahay si aanay meel cidlo ah ugu soo dhicin, Dooxa waxa ay xusuusan tahay kaalintii ay Soomaaliya ka qaadatay caawinta Qatar markii 4 dowladood oo Carab ah ay cunaqabateyn xannuun badan dul-dhigeen guud ahaan xiriirka caalamiga ah ee Qatar islamarkaana ay su’aal geliyeen kaalinta Qatar ee gobolka, waagaas waxa ay ku eedeeyeen in ay tahay Dal argagixso kalkaal ah oo gobolka Khiliijka & geeska Afrikaba kawada deganaansho la’aan.

Dhaqanka siyaasdeedda doorashooyinka Soomaaliya ee soo jireenka ah waxa uu dhigayaa in muddo xileedka madaxweyne kastaa yahay hal mar sidaas awgeedna kuma jirto dhaqanka iyo caadada doorashooyinka Waddanka in madaxweynaha hayaa xilku uu helo muddo xileed kale umana sahlana fursad iyo galaangal kale oo uu ku heli karo dib u doorasho marka laga reebo nidaamkii kalitaliska ahaa oo kudhisnaa aragtida Nin doorran doorta, taasina waxa  ay daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya tuseysa in aysan xoog badan gelin saaxiibadii la soo qariibay Afrta sano.

Kheyre iyo Farmaajo… Matalaadda is maagidda!

Ilo Xil kas ah oo ku dhow ololaha raisalwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa Axadle u muujiyay shaki weyn oo ay ka qabaan run ahaanshaha waxa kajira khilaafka Hogaamiye Farmaajo iyo taliyaha hay’adda muqaabaraadka oo dhinac ah iyo Xasan Kheyre oo dhinaca kale ah, sida ay qabaan rag isku arka Warmoog oo taageeraya ololaha madaxtinimada Kheyre Xiriirka labada dhinac ayaa wali si xoog leh oo joogta ah u socda, hayeeshee waxa aysan xaqiijin Karin dhab ahaan waxa ay ka wada hadlaan, arrintan waxa kale oo xaqiijiyey  siyaasiyiin Kheyre kula kala kulmay Nairobi iyo Istanbul.

In ka badan 20 qof oo isugu jira masuuliyiin, Siyaasiyiin iyo madaxweynayaal hore oo siyaabo kala duwan u la  kulmay taliyaha NISA iyo Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay jirto kala sheegasho heer sare oo u dhexeysa labada nin balse waxa la hubo ayaa ah in aan midkoodna midka kale si rasmi ah cabasho ama eedeyn warbaahinta u marin ilaa hadda oo ceyrintii Kheyre laga joogo  saddex bil, taasina waxa ay abuurtay shaki kale.

Sida uu uga falceliyey doodaha Shir ay fadhiyeen 12 qof oo kamid ahaa dadkii ugu dhowaa Kheyre habeenkii 25kii July ayaa muujiyey in Nabad & Nolol wax islula hartay, oo aanay isu hiifin sidii lagu yiqiin dagaaladii siyaasadeed ee dhexmari jiray Wasiirka koowaad & madaxweynaha, waa  ayaasaacado kadib markii uu Muqdisho tegey isaga oo ka soo safray Dhuusamareeb, kooxdiisu waxa ay ka sugeysay go’aanka uu ka qaadan doono xil ka qaadistii muranka dhalisay ee Golaha Shacabku uga eryey xilka, waxa uu ka horyimid soo jeedinta dhammaan dadkii shirka ku jiray isaga oo go’aansaday in uu tanaasulo soona jeediyey in tiisa lagu raaco, waxay ahayd tallaabo kale oo kooxda Kheyre shaki ku abuurtay, balse dhowr tallaabo oo u muuqday in lagu baabi’inayo shakigaas ayaa la qaaday sida in suuqa la geliyay in eedeymo musuq lagu soo oogi doono iyo in loo diiday inuu xilka wareejiyo, taas oo lagu dejiyay ra’yul caamka, looguna ekeysiiyay in labada kooxood ay hilib abeeso kala goosteen ama in ay col iyo cadaawad siyaasadeed kala qaateen.

Kheyre oo in ka badan saddex sano iyo bar xilka Ra’iisulwasaaraha hayay ayaa si dhowna ula shaqeynayay dowladda Qatar isaga xiriir dhow oo toos ah la lahaa hogaamiyayaasha Qatar, safar uu ku wehliyay guddoomiyaha Bangiga dhexe oo kali ah ayuu June-2020 ku tagay Doha, sida ay qabaan dadkii wax ka qoray kulankaas oo Soomaali iyo Shisheeyaba leh Kheyre waxa lagu  qanciyay inuu MW Farmaajo ka hor wareego isaguna noqon karo xulashada 2aad  balse xilligaas kuma uusan qancin.

Falanqeeyeyaasha arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in Kheyre oo jilliinka ku wanaagsan iyo madaxtooyada oo sir-heynta ku wanaagsan ay wadajir u matalayaan masalsal siyaaseed oo Soomaaliya ku cusub, taas oo haddii ay suurtagasho dib u soo celin karta Kheyre oo madaxweyne ah iyo Farmaajo Raysul wasaare ah.

Run ahaanshaha Xiriirka Qatar ee Guuleed Sheegtay

Madaxweynihii hore ee Galmudug, marna soo noqday wasiirkii Amniga Gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, magaciisu waxa uu kor u soo maray musharaxiinta ku loolamaya kursiga madaxweynaha bilihii ugu dambeeya 2020 kadib markii uu dhowr qof u sheegay in uu yahay musharaxa Qatar ee kaalinta labaad ugu jira madaxweynaha iminka talada haya, waana sababta ugu suuragalsan ee  ku soo dartay musharaxiinta miisaanka leh, isaga oo la ogyahay koox ahaan, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo xiriir ahaanba in uu aad u ka hooseeyo musharixiinta kula loolamaya xilka.

Axadle ayaa ogaatay in Guuleed haba yaraatee uusan wax xiriir ah la lahayn masuuliyiin dowlad carbeed marka laga reebo Ciraaq iyo Pakistan oo uu la leeyahay xiriir aan rasmi ahayn oo Qoysnimo ku saleysan.

Guuleed oo siyaasad ahaan ka goostay kooxdiisii hore  waxa uu qaatay siyaasad deggan isaga oo dirayay farriimo togan oo nabadeyn ku saleysan, taas oo wanaajisay xiriirka kala dhexeeya Nabad & Nolol, kudarso saaxiibtinimada soojireenka ah ee kadhexeysa Guuleed iyo taliyaha NISA oo loo arko in uu yahay muftiga siyaasadda iyo xiriirka ee Nabad & Nolol taas oo keentay in Guuleed ku ddhowaado Villa Soomaaliya.

Ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sidaas oo kale waxa ay xaqiijiyay in Guuleed uu kaalin weyn ku lahaa magacaabista Raysul Wasaare Rooble oo ay suuragal tahay in Rooble kuyimid macriifada kaladhexeysay Guuleed iyo  Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Fahad Yaasiin.

Arrimahaan oo idil marka la isku geeyo Guuleed waxa uu u muuqadaa inuu yahay xulasahda labaad ee Nabad iyo Nolol, balse waxay meesha ka saareysaa inuu haba yaraatee noqon karo Musharaxa ay maalgelineyso dowlad Soomaaliya dano siyaasadeed ka leh islamarkaana raadineysa madaxweyne Soomaaliyeed oo ay danaheeda gobolka  u dhex marto.

Kheyre iyo Guuleed oo labaduba ka soo jeeda Koofurta Waddanka ayaan u muuqan tartamayaal miisaan ku kuleh loollanka 2021 oo la filayo in uu ka adkaan  doono doorashooyinkii 2012 & 2017, haddaba xuluashada labaad ee Qatar kaddib MW Farmaajo ma Kheyraa mise waa Guuleed?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More