Taliyaha Booliska Baladweyne:-Majirto cid banaanbax aan
Ciidamo ka tirsan booliska Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa joojiyay banaanbax looga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle ee ka socda magaaladda Jowhar ee xarunta maamulkaasi.
- Advertisement -
Taliska Booliska Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay faah fahin ka bixiyeen sababaha keenay in ay joojiyaan banaanbaxa ay dadka reer Beledweyne ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan habka lagu wado dhismaha Hir-Shabelle.
Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne laba Xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sheegay in aan Magaalada Baladweyne lagu qaban karin Banaabax aan laamaha Amaanka ka war qabin laguna soo wargelin sida uu hadalka u dhigay.
Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Beledweyne ayuu ku sheegay taliyaha in ay talaabo ka qaadi doonan cid kasta oo banaanbax aan la ogeyn ku qabata Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Shalay ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan jirin cid dheg jalaq u siisay dadka banaanbaxayaasha ah.
Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ka socda dhaqdhaqaaq xoog leh oo ku aadan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.
Hase yeeshee Jadwalka ay horaantii bishan soo bandhigeen guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa waxaa ka muuqata dib u dhac, waxaana jadwalka uu ahaa in la bilaabo 21ka bishan diyaarinta iyo soo gudbinta liiska xildhibaanada.