Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Milatariga oo gaaray

Taliyaha ciidanka Milatariga Soomaaliya sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidamada Booliska General Cabdi Maxamed Xasan Xijaar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo.

Ujeedada Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in ay tahay ka qeybgalka aas qaran oo loo sameynayo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo gelinkii dambe ee shalay ku geeriyooday Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ku dhintay Qaraxii Is-miidaaminta ah ayaa waxaa kamid ahaa Taliyihii Ciidanka qeybta 21-aad ee Cabdicaiis Cabdullaahi Qoooje, Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, ku-xigeenkiisii, Guddoomiyihii horey ee Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey iyo Saraakiil kale oo goobta ku sugnaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta magaaladda Kaalkacyo ka soo qaaday qaar ka mid ah dadkii shalay ku dhaawacmay qarax ka dhacay xarunta gobolka Mudug.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas ay ku waxyeeloobay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta Koofureed ayaa si aad ah loo adkeeyay maanta iyadoo sidoo kale ay ciidamadu howlgalo ka fuliyeen xaafado ka mid ah magaalada Gaalkacyo.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More