Shirkadaha diyaaradaha ee Kenya oo kordhiyay qiimaha Ijaarka ganacsatada Soomaaliyeed!
Shirkadaha Jetways, Baaf, iyo Dhagax Silver Mid kamid ah shirkadaha duulimaadyada ee ugu waaweyn Soomaaliya ayaa kordhin doonta qiimaha ijaarka shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed sanadka 2021.
Saraakiisha Shirkada Diyaaradaha ee Somali Airlines oo ka war helay kororka ku yimid Qiimaha Duulimaadyada Diyaaradaha ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkadaha Diyaaradaha Jetways, Baaf, iyo Dhagax Silver Go’aanka ah in kor loogu qaado qiimaha diyaaradaha kirada looga qaadayo marka laga yimaado ama laga tagayo ama loo aadayo gobolada kala duwan ee dalka.
Jetways, Baaf, iyo Dhagax Silver Haatan waxay diyaarado ka kireystaan diyaaradaha Soomaaliya $ 800 (sideed boqol oo doolar) saacadii laakiin marka la gaaro 2021 taasi oo gaari doonta 1,500 (Kun iyo Shan Boqol oo Doolar) tanina waxay horseed u noqon doontaa kordhinta qiimaha dadweynaha ee duulimaadyada gudaha.
Sababta shirkadaha diyaaradaha Kenya ay kor ugu qaadayaan qiimaha duulimaadyada ganacsatada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inay tahay in ganacsatada Kenya iyo hogaamiyayaasha dowladda ay isku dayayaan inay ka soo kabtaan qaadka Kenya ay u dhoofiso Soomaaliya ee hakadka galay, taasoo keentay inuu hoos u dhac ku yimaado dhaqaalaha. gobolka Meru ayaa hoos u dhacaya
Xaaladda ayaa ku soo beegantay xilli uu dalku la il daran yahay fayraska loo yaqaan ‘Covid-19 virus’, kaasoo si gaar ah u saameeyay ganacsiga duulista hawada.