Shariif Xasan Sheekh Aadan:-Waa diidnay doorasho halwareeg
Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharixiinta shirku uga socdo magaaladda Muqdisho .
Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharixiinta shirku uga socdo magaaladda Muqdisho ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan sheegay Raysul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ee ahaa in doorashada Soomaaliya ee 2021 ay tusaale u yihiin doorashooyinkii ka dhacay Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar ee lagu kala baxay wareega 1 aad sida uu hadalka u dhigay.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa aad u dhaliilay hadal uu dhowaan sheegay Raysul Wasaare ku xigeen Khadar ayaa sheegay in doorashooyinkii Baydhabo,Dhuusamareeb iyo Jowhar ay ahaayeen kuwo aan si sax ah loo maamulin inkastoo uu qiray in ay jireen dad ku qanacsanaa.
“Saddex wareeg ayaan arki jirney iyadoo la baahdo loo oomo,hal wareeg waa diidanahay,xalna kuma imanayo hal wareeg intaa waa la xishoonayay waxaana ladiidanaa in siyaalihii hore la soo maray la aado.”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.
“Waxaan aaminsanahay in saaxibkey in doorasho lala glao ma rabo isagaa jaakad toshay isaga kaligii la eg in jaakad dadka oo dhan la eg la tolaan rabaa dalkana sidaa ayaa u dan ah.”ayuu hadalkiisa raaciyay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Hogaamiye Farmaajo ku dhaliilay in uusan diyaar u ahayn in lala tartamo oo uu doonayo in kaligiis uu tartamo.
Shariif Xasan waxa kale oo uu ka hadlay guddiyada doorashada waxana uu ku taliyay in guddiyo sidii la arki jirey la sameeyo isagoo xusay in arrinta guddiyadana ay tahay mid Hogaamiyaha u gaar ah.
Kulan ay ka qeybgalayaan inkabadan toban musharax madaxweyne ayaa maalintii afaraad waxa uu ka socdaa hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in kulankaa caawa la soo gabagabeeyo lagana soo saaro warmurtiyeed ka hadlaya arrimaha doorashooyinka dalka.