Shakiga Siyaasadeed oo Shiiqiyay Shaqada Doorashada! –
Jabuuti sanadkii 2000 waxaa lagu soo dhisay Dowladdii KMG ahayd ee uu Hogaamiyaha ka noqday Cabdiqaasim Salaad Xasan, kadib muddo marba dhinac loo waday Hoggaamiye Kooxeedyadii hubeysnaa.
- Advertisement -
Waxyaabaha la calaamadeeyay waxaa kamid ahaa in 4-tii sano mar la qabto Doorasho ilaa dalka uu ku gaaro afti dadweyne oo shacabka dib loogu celinayo awoodda, maadaama waddanka uu siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo nidaam ahaan gaaray meel hoose.
Muddo 20-sano ayaa sidaas lagu howlan yahay, waxaana dalka Madaxweynayaal kusoo noqday Cabdiqaasim Salaad Xasan oo Jabuuti lagu doortay 2000, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo 2004-tii Kenya lagu doortay, Shariif Sheekh Axmed oo 2009-kii Jabuuti lagu doortay, 2012-kii oo Xasan Sheekh Maxamuud Dalka lagu doortay iyo Hogaamiye Farmaajo oo 2017-kii Muqdisho lagu doortay.
Goor-sheegtadu waxa ay dul taagan tahay XIliga Doorashada, hase-yeeshee howsho uma socoto si ku dhisan isla ogol, isku qanacsanaan & isla gardaadinta Hogaamiyayaasha xilalka heysa iyo shaqsiyaadka xildoonka ah.
Shaki Siyaasadeed ayaa hareeray, Musharixiinta Hogaamiyaha 2021 waxa ay tuhun ka qabaan xubno lagu biiriyay Guddiga maamulaya Doorashada heer federaal & Heer Dowlad Goboleed, Maamulada hoostaga Dowladda ayaa labo dhinac u kala jabay, halka Shacabka oo aan waxba dooraneyn labada dhinac ay u kala qaybsameen.
Dowladdu waxa ay muujineysaa in dhabbe saxan ay wax ku waddo, halka Musharixiinta dhankooda ay isu heystaan in wadada qaloocan ay ka leexinayaan Dowladda, waana tan keentay Jahwareerka Siyaasadeed.
Shakiga Siyaasadeed ayaa shiiqiyay Doorashada 20/21, waana hubanti in arrinku uu sidaas yahay, maadaama jadwalka lagu heshiiyay ee doorashada loo dejiyay meel la iska dhigay, eedeynta sababta wax loo wadi la’ yahay waa mid la isku tuur-tuurayo oo ma jirto cid dusha saaraneysa mas’uuliyaddaas, dhinac waliba wuu isla saxan yahay.
Damaanad-qaadka Doorashada ma rajo fiicna marka la eego sida wax loo wado, waqtiga is guraya, muranka, isu caga-jugleynta dhinacyada iska soo horjeeda, kala qaybsanaanta Dowlad Goboleedyada & shacabka oo aan door uga furneen Doorashada, maadaama wakiilo beeleedyo ka socda ay wax dooranayaan sida lagu heshiiyay.
Dowladaha qaar ayaa kor kala socda sida wax loo wado, kuwo ayaa si toos ah si dadban loogu tiirinayaa lakala safasahada Dowladda iyo Musharixiinta, Beesha Caalamka waxa ay ka fuqi la’dahay in doorashada waqtigeedu ku qabsoomeyso, laguna wajahao heshiiska laga gaaray.
Marka xaalka uu xumaado waxa loo fadhi dhigan jiray Odoyaasha dhaqanka oo hab beeleed & xeer ay ku waaya-aragsadeen ku dhammeyn jiray khilaafaadka, balse dhankooda waxaa ku furan mowjado kale, maadaama Odoyaashii Koobnaa ay tiro bateen, taasina waxa ay keentay in labada dhinac ay wataan Odoyaal dhaqameedyo.
Haddaba, Shakiga Siyaasadeed ee Shiiqiyay Shaqada Doorashada sidee looga gudbi karaa, si dalka ay uga dhacdo doorashada soo jireenka ah ee 4-tii sano mar la qaban jiray?
Axadle.