Kenya oo Muwaadiniinteeda uga digtay meelaha ay weerarada ka

Dowladda Kenya ayaa muwaadiniinteeda gaarsiisay digniin la xiriirka dhaq-dhaqaaqa safarka ay gelayaan dhammaadka bisha December ee sanadka uga dambeyso gaar ahaan dadka Kiristaanka ah.

- Advertisement -

Waxa ay ku wargelisay in ay ka feejignaadaan meelaha ay Al-Shabaab weerarada ka geysto si aysan dhibaato ula kulmaan sida ay sheegtay Dowladda Kenya oo warkaan gaarsiisay muwaadiniinteeda.

Warbaahinta gudaha ayaa tilmaamtay in Xukuumadda Nairobi ay cabsi ka muujisay beegsiga Al-Shabaab ee dadka Kiristaanka ah, sidaas awgeed waxa ay ku wargelisay in lala socdo dhaq-dhaqaaqa safarkooda.

Sarkaal katirsan Ciidanka Booliiska Kenya ayaa sheegay in Ciidamada ay sameynayaan tallaabo waliba oo lagu badbaadin karo dadka Kiristaanka ah oo safarkooda ugu dheer uguna badan gala dhammaadka Bisha December ee dhammaadka sanadka.

Meelaha la sheegay in ay halis badan yihiin waxaa kamid ah: Mandheera, Gaarisa, Wajeer & Lamu, waxaana dhowr jeer ka dhacay weeraro ay sheegatay Al-Shabaab oo lagu dilay dad Kenyan ah.

Mid kamid ah Macalimiinta sanadaha kasoo shaqeeyay Deegaannadaan balse joojiyay shaqadaas sabab la xiriirta digniinta & hanjabaadda soo gaartay ayaa sheegay in dhibaato badan oo khatarteeda leh deegaannadaas ka jirto.

Xusuusta ugu weyn ee dadka safra waa bishii November 2014-kii, kadib markii Al-Shabaab afduubay Bas, waxa ay toogatay 28-ruux oo aan Muslimiin ahayn, wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa yaraa dhaq-dhaqaaqa dadka Kiristaanka ah sida ay tebisay Warbaahinta.

Axadle.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More