Saraakiishii ku dhimatay Qarixii Gaalkacyo oo maanta la
Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loogu sameeyey Gaalkacyo saraakiishii qaybta 21 aad ee ciidanka Xoogga dalka oo shalay ku dhintay qarax ka dhacay Xarunta gobolka Mudug.
- Advertisement -
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidamada Booliska General Cabdi Maxamed Xasan Xijaar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale qayb galay aaska loo sameeyay saraakiishii ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka.
Ujeedada Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in ay tahay ka qeybgalka aas qaran oo loo sameynayo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo gelinkii dambe ee shalay ku geeriyooday Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Saraakiisha ku dhintay Qaraxii Is-miidaaminta ah ayaa waxaa kamid ahaa Taliyihii Ciidanka qeybta 21-aad ee Cabdicaiis Cabdullaahi Qoooje, Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, ku-xigeenkiisii, Guddoomiyihii horey ee Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey iyo Saraakiil kale oo goobta ku sugnaa.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta magaaladda Kaalkacyo ka soo qaaday qaar ka mid ah dadkii shalay ku dhaawacmay qarax ka dhacay xarunta gobolka Mudug.
Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas ay ku waxyeeloobay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ammaanka magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta Koofureed ayaa si aad ah loo adkeeyay maanta iyadoo sidoo kale ay ciidamadu howlgalo ka fuliyeen xaafado ka mid ah magaalada Gaalkacyo.