Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo Aano qabiil

Ugu yaraan 4 sarkaal oo ka tirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa lagu dilay deegaanka Balihood ee gobolka Galgaduud ka dib markii ay wadada u galeen maleeshiyaad hubaysan oo hab beelleed u abaabulan sida ay Axadle u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay 6 ruux oo iskugu jira ciidanka Milatariga iyo dablaydii weerartay sida uu Axadle u sheegay sarkaakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qaybta 21 aad ee ciidanka Xoogga dalka.

Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in saraakiishaani ay ka bexeen xero tababar oo ku taalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud kuna sii jeedeen degmada Caawduwaaq ee gobolka Galgaduud, hayeeshee ay wada u galeen maleeshiyaad hubaysan oo hab heelleed u abaabulan.

Deegaanada u dhexeeya Guriceel iyo Caaduwaaq ayaa mudooyinkii dambe laga soo sheegayay in ay ka jiraan xiisado u dhexeeya beelaha halkaasi wadaga.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug midkoodna kama hadlin weerarka lagu dilay saraakiisha ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More