Odowaa oo shaaciyey magacyada 3 horjooge oo Shabaab ‘looga dilay’ Bariire iyo Awdheegle

Aw-dheegle (Caasimadda Onlin) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay weerarradii ay shalay kusoo qaadeen  xarumaha ciidamada Dowladda ee Awdheegle iyo Bariirre ee Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in maleeshiyada laga dil Al-Shabaab ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ay magacyadooda ku sheegeen:

1- Xareed Dheere oo ahaa ku-xiggeenka guud ee amniyaadka Al-Shabaab.2- Ismaaciil Dubad oo ahaa madaxii gurmadka Jabhadaha Al-Shabaab.3- Cabdi Nuur Qaar Qaar oo hoggaaminayey maleeshiyaadii weerarka ku qaaday Awdheegle.

Dhanka kale, General Odawaa Yuusuf Raage oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Awdheegle oo kaliya wax ka badan 100 askari isla markaasna Shabaab loo dhigay cashir aysan hilmaami doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Awdheegle oo kaliya Al-Shabaab waxaa looga dilay in ka badan 100 askari, qiyaas maahan waa tiro la dul tagay, waxaana saacadaha soo socdo usoo bandhigi doonaa saxaafadda,” ayuu yiri Odawaa.

Mar Odawaa wax laga waydiiyey khasaaraha soo gaaray ciidamada Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay ka dhinteen 14 askari halka uu sheegay inay jiraan dhaawacyo uusan sheegin tiradooda.

Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60-aad oo horay deegaanadaas loo geeyay.

Al-Shabaab ayaa baraha bulshada ay ku leedahay iyana ku sheegtay inay dagaalka kaga dishay Ciidanka dowladda illaa 47 askari, kuna furatay saanad ciidan iyo illaa lix gaadiidka dagaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More