Nin ku guulaystay mid ka mid ah Golaha Wakiilada Maraykanka

David Andahl ayaa u dhintay safmareenka halista ah ee Coronavirus ka dib markii uu ku guuleystay xubinimada Golaha Wakiilada gobolka North Dakota ee waddanka Mareykanka, sidda ay qortay CNN.

Sidda ku xusan warbixinta, David Andahl oo 55-jir ahaa, ayaa kusoo baxay mid kamida labada kursi ee degmada 8aad. Saaxibkiis ay xisbiga Jamhuuriga kawada tirsan yihiin Dave Nehring ayaa wehliya.

Nasiib darro, Andahl oo ahaa ganacsade leh beer weyn ayaa 5-tii October wuxuu u dhintay Covid-19 ka gedaal markii uu muddo la tacaalay.

Qoyskiisa oo geeridiis xaqiijiyey waxay sheegeen in ay murugoonayan.

Qaybo kamid ah gobolkaas waxaa halis u geliyey Coronavirus nidaamka uu maamulka u qorsheeyay in uu kula diriro xanuunka oo ah in aysan jirin wax xayiraadyo ah oo loosoo rogay xakameynta caabuqa.

Andahl oo beertiisa lagu xanaaneyn jiray Lo’da ayaa wuxuu qorsheynayey in uu balaariyo, sidda uu wariyey bogga afka dheer ee Bismarck Tribune.

Ma cadda sidda laga yeelayo kursiga uu kusoo baxay, hase ahaatee, xeer-ilaaliyaha guud Wayne Stenehjem wuxuu sheegay in xisbigiisa loosiin doono fursad ah in ay soo buuxiyaan booskaas faaruqa ah.

Doorashada Mareykanka ee 2020 ayaa la xaqiijiyey in ay si rasmi ah ugu biirtay cod-bixinadii ay dadka ugu badnaa safka u galeen in ay codadkooda dhiibtaan, waxaana ugu wacan mar-xalada lagu jiro ee fayruska Coronaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More