“Muqdisho kama dhaceyso Doorasho aan lagu qanacsaneen”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka aysan aqbaleyn in Muqdisho ay ka dhacdo doorasho aan lagu wada qanacsaneen.

Warsame ayaa shaaciyay in hamiga Hogaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yahay sidii uu markale dib ugu soo laaban lahaa kursiga sida uu hadalka u dhigay, balse dhabbaha uu u qaadayo ay tahay mid aan wanaagsaneen.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa  sheegay in qaylada xubnaha Mucaaradka ay ka tarjumeyso cabashadooda la xiriirta sidii wax loo sixi lahaa, sidaas awgeed loo baahan yahay in la saxo qalalaadka siyaasadeed ee jira.

“Doorasho aan lagu wada qanacsaneen kama dhaceyso Muqdisho taas ayaan kuu ballanqaadaa, Qayladeena waxa ay ku eg tahay in aan muujino dareenkeena, in aan hadalno waa shay dabiici ah, balse waxa aan rabnaa in doorashada loo dhiibo dad aan dhinac ku xisaabsaneen” Sidaasi waxaa yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Nabadsugidda & Dowladda Qadar ayuu la dul istaagey eedeyn la xiriirta faragelinta Doorashada 20/21, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo jeediyay in Hay’adda sirdoonka ay furato Xisbi Siyaasadeed una dhaanta sida ay wax u wado waa sida uu hadalka u dhigay.

“Hogaamiyaha waxaa u dhiman 2-bilood oo kaliya, waxa aan leeyahay kalsooni is geli, waqti ha iska dhumin, hana ka dhumin Wiilka Nabadsugidda jooga, lacagtii qadar laga keenay ee xildhibaanka lagu soosaarayay meesha ayay taalaa, waxaana nabadsugidda laga diiwaan gelinaa dadkii wax dooran lahaa” Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidaasi yiri.

12-Musharax ayaa kahor timid guddiga doorashada Xukuumadda & Dowlad Goboleedyada ay magacaabeen, kadib markii ay sheegeen in laga soo dhex xulay Hay’adda Sirdoonka & Madaxtooyada Qaranka, waxaana hadalkaas waxba kama jiraan ka dhigay Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More