Maxay u baahanyihiin Trump & Biden si ay u guulaysataan! –

Sawir isku dhafan ayaa muujinaya musharixiinta madaxtinimada Mareykanka Hogaamiye Donald Trump iyo Dimuqraadiga Joe Biden oo dalbanaya codadka dadweynaha.

Si aad ugu guuleysato Aqalka Cad, murashaxu waa inuu ku guuleystaa ugu yaraan 270 codadka doorashada, oo ah aqlabiyadda 538 ee loogu tartamayo 50-ka gobol, laakiin ma ahan codka dadweynaha.

Tusaale Codadka tooska ah ee dadweynaha, waqtigii ugu dambeeyey ee jimcihii, sida ay daabacday New York Times, labada murshax waxaa ay kala marayeen Donald Trump: 69,927,649 – 47.7% iyo Joe Biden: 74,039,941 – 50.5%, sidaana waxaa ku horeeya madaxweyne ku xigeenkii hore Biden oo ah nin loo saadaalinayo guusha doorashada maraykanka.

Codadka dadban ee ergada ‘Electoral votes’ markii ugu dambeysay ee la sadaaliyo sida magaalooyinka loogu kala guuleystay, sida ay qortay The Associated Press, Electoral votes waxaa  uu Joe Biden  heystaa 264 hlaka Trump uu heysto 214, tirada mid weliba laga rabo waa 270 cod guud ahaan codadka 538.

Hadaba Iyada oo ay intaasi kala marayaan ayaa waxaa dhimman tusaale ahaan Pennsylvania oo leh ilaa 20 electoral votes, keliya haddii uu Joe Biden  oo hadda ku horeeya uu ku guuleysto isaga ayaa ah madaxweyne.

Waxaa kale oo tirinta ay ka socotaa isla markaana uu isla Joe ku horeeyaa  Georgia, Nevada iyo Arizona, waxaana ku jira  Electoral votes  kale sida Georgia oo 16 ah, Nevada oo 6 ah iyo Arizona oo 11 Electoral votes  ah.

Trump wuxuu hadda fadhiyaa 214 codadka doorashada. Gobollada Arizona, North Carolina, Nevada iyo Georgia, Trump wuxuu u baahan yahay inuu ku guuleysto ugu yaraan seddex ka mid ah gobolladaas.

Haddii uu ku guuleysto saddex ka mid ah afartaas, wuxuu sidoo kale u baahan yahay Pennsylvania.

Biden wuxuu hada hogaaminayaa tirinta codadka dhamaan goboladaas, marka laga reebo North Carolina.

Trump ayaa la filayaa in loogu dhawaaqo in uu ku guulaystay gobolka Alaska isagoo leh seddex cod oo doorasho ah, laakiin taasi wax badan kama badali doonta codadka ay kala haystaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More