Frank Lampard Oo Magacaabay LABA Difaac Oo Ay Isku Heerka

Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa rumaysan in difaaca ruug-caddaaga reer Brazil ee Thiago Silva uu la heer yahay difaacyahannadii ugu wanaagsanaa ee soo maray horyaalka Premier League.

Silva oo ay da’diisu tahay 36 jir ayaa Chelsea si bilaash ah ugu soo wareegay xagaagii kaddib markii uu muddo siddeed sannadood ah ku qaatay PSG, waxaana u horseeday Blues in shan ciyaarood oo xidhiidh ah ay shabaqooda nadiif ka dhigaan, iyadoo uu saftay lix ka mid ah toddobadii kulan ee horyaalka Premier League ee kooxdiisa.

Lampard oo ka hadlayay ciyaarta Sheffield United ay maanta kusoo dhoweynayaan ayaa waxa uu isbarbar-dhig ku sameeyey Silva iyo difaacii hore ee Manchester City ee Vincent Kompany iyo tiir-dambeedka Liverpool ee Virgil van Dijk, kuwaas oo uu tilmaamay inay isku heer yihiin.

“Marka laga eego waayihiisa ciyaareed ee oo qaatay, dabcan waxa uu soo gelayaa liiska difaacyahannada dhexe ee ugu sarreeya, sida Vincent Kompany iyo Virgil van Dijk.” Ayuu yidhi Frank Lampard.

“Si aad ugu guuleysato maalinta casriga ah, waa inaad haysato shaqsiyaad iyo difaacyahanno aad iska garab ciyaarsiiso oo heerkaas ah. Waxaynu ognahay muhiimadda difaacista si aad iskugu daydo inaad koobab ku guuleysato, khaasatanna horyaalka Premier League, laakiin waxay garab uga baahan yihiin ciyaartoyda kasii horreeya, laakiin marka aad eegto bandhigga Thiago ee kulamadan waqtiga hore ah, xal weyn ayuu noo noqon karayaa, balse wax badan oo kale ayaanu u baahanahay.” Ayuu ku daray.

Lampard waxa kale oo uu ka sheekeeyey sidii uu ugu farxay markii uu ogaaday in PSG uu si xor ah uga tegay, waxaanu yidhi: “Markii uu noqday mid la heli karayo ee uu ka tegay PSG xagaagii, waxay ahayd wax dhab ahaantii aan aad ugu farxay iyo wax ay kooxdu si degdeg ah ugu dhaqaaqday. Waxay ahayd shaqo wanaagsan, waxaanan dareensanahay in Thiago uu bilowgiiba garoonka kusoo bandhigay shaqadiisa.”

Frank Lampard ayaa inta badan khadkiisa difaaca ku aaminay Reece James, Silva, Kurt Zouma iyo Ben Chilwell.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More