Maxay tahay sababta Imaaraadku u joojiyay dal ku galka

Imaaraadku wuxuu si ku-meel-gaadr ah u joojiyey fiisooyin cusub oo uu siinayey dadka reer Afgaanistaan, Baakistaaniyiinta, Soomaaliya, Turkey iyo muwaadiniinta dalal kale oo badan sababo xagga amniga ah [Ahmed Jadallah / Reuters]

Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa joojiyay bixinta fiisooyinka cusub ee muwaadiniinta 13 dal oo u badan Muslimiin, oo ay ku jiraan Iran, Turkey, Syria iyo Somalia, sida ku cad dukumiinti ay soo saartay goob ganacsi oo ay dowladdu leedahay.

Dukumiintiga oo loo diray shirkadaha ka shaqeeya dalxiiska oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu xusay wareegtada socdaalka oo dhaqan gashay 18-kii Nofeembar.

Waxa ay sheegtay in codsiyada shaqaalaynta cusub iyo fiisooyinka booqashada la hakiyay illaa ogeysiis dheeri ah laga siinayo muwaadiniinta ka baxsan Imaaraadka Carabta dalal ay ka mid yihiin Afghanistan, Libya, iyo Yemen.

Xayiraadda fiisaha ayaa sidoo kale khuseysa muwaadiniinta Algeria, Kenya, Iraq, Lebanon, Pakistan iyo Tunisia, ayaa dukumintiga lagu sheegay.

Ma caddayn hadii ay jiraan waxyaabo ka reebaya muwaadiniinta wadamadaan in ay tagaan Imaaraadka Carabta.

Hay’adda Federaalka ee Aqoonsiga iyo Jinsiyadda ee Imaaraadku kama aysan hadlin xayiraadaan cusub.

Walaac xagga amniga ah

Ilo xog ogaal u ah oo arrintan ayaa sheegay in Imaaraadku si ku-meel-gaar ah u joojiyey fiisooyinka cusub ee ay siinayeen dadka u dhashay Soomaaliya, Afghanistan, Pakistan, iyo muwaadiniinta dalal kale oo dhowr ah sababo la xiriira xagga amniga.

Xogtu ma sheegin waxa ay walaacaasi yihiin laakiin waxa ay sheegtay in xayiraadda fiisaha la filayo in ay socoto muddo gaaban.

Toddobaadkii hore, wasaaradda arrimaha dibedda ee Pakistan waxa ay sheegtay in Imaaraadku joojiyay ka shaqeynta fiisooyinka cusub ee muwaadiniintiisa iyo kuwa dalalka kale qaarkood.

Islamabad waxa ay sheegtay in ay ka sugayso Imaaraatka macluumaadka sababta joojinta laakiin waxa ay u maleyneysaa in ay la xiriirto faafida cudurka coronavirus.

Wasaaradda arimaha dibada Baakistaan iyo ilo wareedkale ayaa sheegay in dadka haysta fiisooyinka saxda ah aysan saameyn ku yeelanaym xayiraadaha cusub ayna geli karaan Imaaraadka.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo mudooyinkii dambe uusan hagaagsanayn xiriirka kala dhexeeya Imaaradka kama aysan hadlin xiyaarida cusub ee Xukumadda Abu Dubai ku soo rogtay mawaadiniinta dalal ay ka midtahay Soomaaliya.

SOURCE : REUTERS

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More