Sidee Loo Kala Horreeyaa Tartanka Gool-dhalinta Champions
Kulamadii afraad ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ayay kooxuhu yeesheen, waxaana ay naadiyo badan xaqiijisteen boosaskooda wareegga xiga, halka kuwo kalena la isku marnaan doono illaa kulamada ugu dambeeya.
Kooxda koobka difaacanaysa ee Bayern Munich ayaa safkeeda ku haysata xiddiga kusoo guuleystay gool-dhalinta xili ciyaareedkii hore, isla markaana bilaabay inuu mar kale difaacdo kabtaas.
Robert Lewandowski oo bishii August ku guuleystay abaal-marinta gool-dhalinta kaddib 15 gool oo xili ciyaareedkii hore uu dhaliyey, waxa uu soo afjaray muddo 15 sannadood ah oo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay kusoo guuleysanayeen.
Waxa uu shan gool ka sarreeyey Erling Haaland, halka Messi iyo Ronaldo ay aad uga hooseeyeen oo ay lumiyeen meeqaamkoodii dhalinta goolasha.
Xili ciyaareedkan ayay mar kale tartanka gool-dhalinta Champions League ku bilaabantay marxaladdii koowaad, waxaana hoggaanka haya doorkan Erling Haaland oo afar ciyaarood oo uu saftay dhaliyey 6 gool. Laacibkan ayaa xili ciyaareedkii hore si lama filaan ah dunida iskugu tusay kooxda RB Salzburg oo uu kusoo baxay, waxaana uu bishii January uga sii gudbay naadiga reer Germany ee Borussia Dortmund oo uu iyagana kusii watay dhalinta, iyadoo aanay waqti badan ku qaadanin inuu la qabsado qaab ciyaareedkooda.
Sannadkan oo uu la kowsaday iyadoo dunidu garanayso ayaa uu si dhab ah u caddeeyey inuu yahay ciyaartoy ku tartamaya abaal-marinta gool-dhalinta, waxaana afar ciyaarood gudahood uu shabaqa taabsiiyey lix gool.
Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford ayaa kaalinta labaad ku jira oo shan gool dhaliyey, halka Alvaro Morata uu isaguna dib ugu helay Juventus qaab ciyaareedkiisii oo uu shan gool leeyahay.
Diogo Jota oo Liverpool laba ciyaarood gudahood ugu dhaliyey afar gool oo saddex ay wada socdeen ayaa kaalinta afraad ku jira oo dhaliyey afar gool, halka Ciro Immobile uu isaguna saddex gool dhaliyey.
Manchester City ayay weeraryahannadoodii la garanayay yihiin kuwo aan wali muujin bandhiggii laga sugayay oo ay dhaawacyadu dishoodeen, waxaa se boodhka iska jafay Ferran Torres oo saddex gool leh.
Halkan kaga bogo 10ka ciyaartoy ee ugu goolasha badan tartanka Champions League xili ciyaareedkan
6. Erling Braut Haaland (Dortmund)5 Álvaro Morata (Juventus)5 Marcus Rashford (Manchester United)4 Diogo Jota (Liverpool)3 Duván Zapata (Atalanta)3 Alassane Pléa (Mönchengladbach)3 Ferrán Torres (Manchester City)3 Lionel Messi (Barcelona)3 Timo Werner (Chelsea)3 Ciro Immobile (Lazio)3 Bruno Fernandes (Manchester United)3 Sérgio Oliveira (Porto)3 Robert Lewandowski (Bayern)3 Kingsley Coman (Bayern).
Ciyaartoydii kusoo guuleystay abaal-marinta gool-dhalinta tan iyo 1992kii:
2019/20: Robert Lewandowski (Bayern) 152018/19: Lionel Messi (Barcelona) 122017/18: Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 152016/17: Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 122015/16: Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 162014/15: Lionel Messi (Barcelona), Neymar (Barcelona), Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 102013/14: Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 172012/13: Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 122011/12: Lionel Messi (Barcelona) 142010/11: Lionel Messi (Barcelona) 12
2009/10: Lionel Messi (Barcelona) 82008/09: Lionel Messi (Barcelona) 92007/08: Cristiano Ronaldo (Manchester United) 82006/07: Kaká (AC Milan) 102005/06: Andriy Shevchenko (AC Milan) 92004/05: Ruud van Nistelrooy (Manchester United) 82003/04: Fernando Morientes (Monaco) 92002/03: Ruud van Nistelrooy (Manchester United) 122001/02: Ruud van Nistelrooy (Manchester United) 102000/01: Raúl González (Real Madrid) 7
1999/00: Mário Jardel (Porto), Rivaldo (Barcelona), Raúl González (Real Madrid) 101998/99: Andriy Shevchenko (Dynamo Kyiv), Dwight Yorke (Manchester United) 81997/98: Alessandro Del Piero (Juventus) 101996/97: Milinko Pantić (Atlético Madrid) 51995/96: Jari Litmanen (Ajax) 91994/95: George Weah (Paris Saint-Germain) 71993/94: Hristo Stoichkov (Barcelona) 51992/93: Franck Sauzée (Marseille) 5