Maxay kawada hadlayaan Shanta Hogaamiye Goboleed
Magaalada Muqdisho waxa uu shir gaar ah maanta uga furmay Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle kadib markii ay soo sameeyeen wadatashi la xiriira Ajendaha Beesha Caalamka ka sugeysa.
Kulanka oo Duhurnimadii maanta oo Sabti ah ka furmay Xalane waxa ay ka doodayaan Madax-Goboleedyada sidii ay u dejin lahaayeen Ajende ay ku mideysan yihiin oo lagu wajahayo xaaladda cakiran si isla todobaadkaan uu u furmo Shirka guud.
Waa ay is aragti dhaafsanayaan, talooyinka ayay isku daranayaan waxaana ugu dambeyn ay dib ugu laabanayaan Wakiilada Beesha Caalamka Gaar ahaan Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan & Danjiraha Mareykanka ee Donald Yamamoto.
Kulana maanta wuu uga duwan yahay fadhigii habeen hore dhexmaray oo Beesha Caalamka goobjoog ka ahayd balse maanta waxaa garramaya Shanta hoggaamiye Goboleed si ay iskula meel-dhigaan Ajendaha fadhiga guud.
Marka uu soo idlaado fadhigooda oo ay ku warceliyaan wakiilada Beesha Caalamka waxaa lagu wadaa in fadhi guud la isugu yeero Shanta Hogaamiye Goboleed, Hogaamiyaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Raysul Wasaarihiisa & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Todobaadyadii lasoo dhaafay Swan & Yamamoto ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxdii saxiixday heshiiskii 17-ka September 2020 oo dhaqangalkiisa ay isku qabteen hoggaamiyihii isla gartay kadib markii ay isku maan-dhaafeen dhabbaha loo marayo.