Mahad Dollar oo lagu dilay Muqdisho
Muqdisho (Axadle) – Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa maanta toogasho ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan booliska Soomaaliya degmada Hodan ee xafadda Sebiyaano.
- Advertisement -
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Dollar), ayaa lagu dilay garaash ku dhow Seybiyaano, oo ah suuq lagu iibiyo qudaarta iyo caanaha oo uu masuul ka ahaa.
Ragga weerarka soo qaaday ayaa marxuumka dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka, ugu dambeyntiina wey ku guuleysteen inay baxsadaan, inkasta oo booliska ay isku dayeen inay soo qabtaan dambiilayaasha.
Sarkaalka la khaarijiyay ayaa caan ka ahaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Hodan, wuxuuna lahaa ciidamo gaar ah oo isaga ka amar qaata.
Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxa ayna halkaasi ka qaadeen Meydka waxa ayna geeyeen Xarunta Dambi baarista ee CID.
Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay masuuliyada dilka Booliska, oo lagu tuhmayo inay yihiin kuwa ugu badan ee Shabaab geysta.
Ma ahan markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada ay toogtaan rag hubeysan oo ku sugan Muqdisho, waxayna ku soo beegmaysaa xilli uu dalku marayo marxalad xasaasi ah.