Maxaa U Sabab Ah Qilaafka Xun Ee Ka Dhex Gashay Xiddigaha Arsenal &
Mikel Arteta ayaa wajahaya naceyb sii koraya oo uga imaanaya ciyaartoydiisa kuwaasoo ka carooday in iyaga lagu eedeeayy dhibaatada Arsenal heysata bedelkii uu tababaraha qaadi lahaa mas’uuliyada.
- Advertisement -
Xiddigaha waa weyn ayaa si weyn uga careysan qaabka uu tababare Arteta uga dhigay in qaab ciyaareedka xun ee kooxda ay sabab u yihiin iyaga.
Wargeyska The Sun ayaa fahamsan in qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda ay aaminsan yihiin in tababaraha reer Spain ay wixiisa yihiin kaliya hadal balse uu ku guuldareystay inuu natiijo la taaban karo ku hogaamiyo kooxda.
Waa calaamadihii burburka ee ugu horeeyay ee ka soo muuqanaya Arsenal 15kii bilood ee uu Mikel Arteta tababare ka ahaa.
Sida ay The Sun sheegtay ciyaartoyda ayaa su’aal ka keenay sababta uu si farxad leh ugu aqbalay in lagu amaanay isaga guushoodii FA Cup ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay balse uu haatan u diidan yahay inuu qaato mas’uuliyada kulamada xun xun ee guuldarada ah.
Waxay taas bedelkeeda aaminsan yihiin inuu natiijooyinka xun xun uga jawaab celiyo inta badan inuu shaxda ka saaro xiddig weyn isbuuca xiga, isaga bixinaya tilmaam ah in shaqsigaas uu sabab u ahaa guuldarada.
Kabtan Pierre-Emerick Aubameyang ayaa laga saaray shaxda kulankii Europa League ee ay barbaraha la galeen Slavia Prague ka dib markii uu qaab liita u dheelay kulankii ay guuldarada 3-0 ka soo gaartay Liverpool – ciyaartaasoo Arsenal taatiko ahaan looga awood roonaaday.
Waxaa la rumeysan yahay in qaabkii uu u la dhaqmay Aubameyang inay ka careysiisay ciyaartoyda qaar, iyadoo xiddigo kale iyagana sidaas oo kale loola dhaqmay.
Waxaa sidoo kale jira dareen ah in sababta uusan Thomas Partey uu wacdarro u dhigeynin inay tahay fekradaha tababaraha.
Your browser does not support the audio element.