Madaxweynaha Jubbaland oo xil cusub magacaabay
Kismaayo (Axadle) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sameeyey macaabis cusub, kadib wareegto uu soo saaray.
Axmed Madoobe ayaa maanta Injineer Cabdi Xuseen Maxamed u magacaabay guddoomiyaha gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland oo lagu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka.
- Advertisement -
Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in baahi weyn loo qabo in xal waara loo helo maareynta arrimaha qaxootiga dib u soo laabanaya iyo barakacayaasha gudaha.
“Markuu la tashaday madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu u magacaabay Eng Cabdi Xuseen Maxamed guddoomiyaha gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday madaxtooyada Jubbaland.
Sidoo kale waxa lagula dar-daarmay mas’uulkan cusub inuu waajibkiisa shaqo guto, isla-markaana uu wax ka qabto dhibaatooyinka ay wajahayaan qaxootiga iyo barakacayaasha.
Deegaanada Jubbaland ayaa waxaa xilligan ku sugan qoysas barakacayaal ah oo wajahaya xaalado nololeed iyo qaxooti kasoo noqday xeryaha Kenya oo dib u dajin loo sameeyey.