Liibiya:-17 maydad ah oo laga helay xabaalo wadareedyo

Meydadka ayaa lagu sawiray iyada oo xubno ka tirsan xafiiska dadka maqan ay ku mashquulsanyihiin soo saarista Maydadka dadkii lagu waayay dagaaladda.

17 meyd ayaa laga soo saaray xabaalo wadareedyo dhowaan laga helay galbeedka gobolka Tarhuna ee galbeedka Libya, iyadoo wadarta la soo saaray bilihii la soo dhaafay ay gaareyso 112, sida uu sheegay guddi loo saaray raadinta dad lagu waayay colaadaha Liibiya.

Lotfi Tawfiq, oo madax u ah guddi ay Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay Dowladda Heshiiska Qaranka (GNA) si ay u baaraan dadka la la’yahay, ayaa Sabtidii sheegay in shan xabaal-wadareed cusub oo ay ku jiraan 17 meyd ah la helay ilaa Khamiistii.

Qabuuraha waxa ay ku yaalliin gobolka Tarhuna, halkaas oo ay ka soo jeedaan ciidamadii saldhiga bari ee Khalifa Haftar, ciidamadiisu waxa ay weerareen sanadkii la soo dhaafay caasimada Tripoli oo xarun u ah dowladda Caalamku aqoonsanyahay ee GNA.

Aagga, oo 80 kiiloomitir (50 mayl) koonfur-bari kaga beegan magaacaladda Caasimada ah ee Tripoli, ayaa dowladdu aqoonsantahay in ay tahay barta ugu weyn ee laga abaabulo weerarada fashilmay ee Generaal Haftar.

Helitaanka xabaal wadareedyo ku yaal Tarhuna ayaa markii ugu horreysay la soo sheegay ka dib bixitaankii ciidamada Haftar ee galbeedka Liibiya bishii Juun.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Libya Fathi Bashagha ayaa sheegay in qabuuraha ay matalayaan “falal arxan darro ah” oo ciqaab lagu gali karo.

Bashagha ayaa sheegay in mid ka mid ah meydadka la soo saaray uu ahaa Mabrouk Khalaf, oo ah jeneraal hore iyo agaasimihii hore ee warfaafinta.

Qabuuraha la helay toddobaadkan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee laga helay magaalada Tarhuna, welina qoditaanno ayaa socda.

Liibiya oo ah soo saare weyn oo dhanka shidaal ah, waxaa hareeyay rabshado tan iyo markii kacdoon ay NATO taageerto 2011 ay afgembiyeen oo dileen hogaamiyihii ruug cadaaga ahaa Muammar Gaddafi.

Tan iyo waagaas, waddanka Waqooyiga Afrika waxaa ku xoog badnaa kooxo hubaysan, oo ay hareeyeen khilaafyo maxalli ah oo u kala qaybsamay laba maamul oo aad isku diiddan: GNA oo  ku sugan Tripoli iyo maamul isku haysta bariga oo gacansaar la leh Xaftar.

Labada dhinac ee dagaalamaya ayaa kala saxiixday “xabad joojin joogto ah” bishii hore ka dib wadahadaladii ay garwadeenka ka ahayd Qaramada Midoobay ee ka dhacay magaalada Geneva.

Heshiiska ka dib, Human Rights Watch (HRW) waxa ay sheegtay in ay soo dhaweyneyso tallaabada loo qaaday dhanka nabadda, laakiin waxa ay ka digtay in heshiiska uu ku guuldareystay inuu bixiyo “ballanqaad cad iyo waddo lagula xisaabtamo dambiyada culus iyo xadgudubyada kale ee la diiwaangaliyay Liibiya“.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More