Laftagareen oo magacaabay guddiga doorashada heer DG ee

Hogaamiyaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Hogaamiyaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay guddiga doorashooyinka heer Dowlad-goboleed ee Koofur Galbeed Soomaaliya ku waas oo maamuli doona doorashada xildhibaanadda Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Koofur Galbeed.

Xubaha Laftagareen magacaabay oo ka kooban 8 ruux ayaa lagu biiridoonaa 3 xubnood oo ay soo magacaabayso Dowladda Faderaalka Soomaaliya sida ku cad heshiiskii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dowlad-goboleedyada dalka magaaladda Muqdisho ku gaareen 2 October 2020.

Dowlad-goboleedyada Koofur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland ayaa soo magacaabaya min 8 xub xubnood oo maamulaya doorashada ka dhacaysa deegaanadda maamuladaasi waxaana ku biiraya min 3 xubnood oo ay magacaabayso dowladda Faderaalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More