Itoobiya waxay kala dooran kari la dahay dekedaha Berbera & Djibouti
Tartanka Bariga Afrika ee soo dejinta iyo ka dhoofinta ayaa sii xoogeystay, iyadoo laf dhabar uu ah dowladda Itoobiya oo aan laheyn deked isla markaaan ay dad badan ku nool yihiin.
Dekedda Berbera
Itoobiya waxay sahminaysaa fursadaha maalgashi ee dekedaha Berbera Gobaladda Waqooyi, oo aan haysan aqoonsi madax-bannaan oo ay ka hesho Soomaaliya, iyo Jabuuti, oo xilligan leh xiriir dejin iyo dhoofsi.
Doraleh ayaa laga eryay Maamulka Dekedaha Dubai (DP World) kadib markii ay ku fashilantay balan qaadyo ay u sameysay dowlada Jabuuti oo ku aadan horumarinta dekedaha.
Waxay gacanta ku haysay Maamulka Dekedda Berbera, inkasta oo aanay wax badan qaban, haddana waxaa socda dadaalo lagu doonayo in mashruuc lagu bilaabo Maarso 2021.
Muuse Biixi oo booqday qayb kamid ah wadada laga dhisay magaalada Berbera
Gobaladda Waqooyi, DP World & Ethiopia waxay bilaabeen dhismaha waddo isku xidhi doonta Berbera & Wajaale iyo ismaamulka Soomaalida (Soomaali Galbeed) si marin fiican loogu helo dekedda.
Mashruuc lagu dhisayo waddo ka timaada Berbera illaa dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya haysato.
Itoobiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa heshiis 30 sano ah la galay magaalada Berbera, kaasoo daneynaya inuu maalgashi badan ku sameeyo dekedda.
Xigasho: Warbixinta Afrika.