“Howlgalka lagu sugayo ammaanka Marka waxa uu ka socdaa
Maamulka Degmada Marka oo faah-faahiyay howlgal amni sugid ah oo ka dhacay deegaannada duleedka ah Magaaladaas ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xaqiijinta ammaanka xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiye Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa sheegay in xalka kaliya ee lagu xaqiijin karo xasiloonida Magaalada Marka ay tahay sidii loo joogteyn lahaa howlgalada ka socda deegaannada duleedka ah.
“Shaqada amni sugidda waxa ay ka socotaa Buulo naag ilaa aay buutey, sidoo kale waxa uu howlgalka joogto ka yahay meel shan taraal ah oo buufow ku xirta janaale, Shalaanbood & Ceel wareegow, waxaa qasab ah in aan Shabaab kala baxno” ayuu yiri Guddoomiye Waafow.
Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Managu dhuumaaleysan doonaan, meelaha ay galaan ayaan uga dabatageynaa, waxaana rajeyneenaa in aan soo afjaro Shabaab ku sugan halkaan ee geedaha soo hoosgala”.
Ciidamada Dowladda Federaalka & AMISOM ayaa joogteeyay howlgalada ay ka wadaan wadada isku xirta Afgooye & Marka oo dhowr jeer qaraxyo jidkaas loo geliyay, halka weeraro lagu qaaday.
DFS ayaa todobaadkii hore soo bandhigtay Nin ay ku eedeysay in uu saddex miino geliyay wadada isku xirta Buufow Bacaad & Janaale oo katirsan deegaannada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Shabeelaha Hoose.
Axadle.