Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Golaha Wasiirada oo shir Saddex maalin ah ugu furmay Hotelka

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Decale oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde waxaa kulan uga furmauy Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlayo Arrimo dhawr ah oo horyaalla xukumadda Raysul wasaare Rooble.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimo ay ka mid yihiin, Doorashooyinka, Amniga, Kordhinta Dhaqaalaha, Daynta cafinta, horumarinta bulshada, Caddaaladda iyo Qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100ka maalmood.

- Advertisement -

Raysul wasaare oo furay shirka ayaa faray wasaaradaha in ay soo saaraan shaqo howlayd lagula xisaabtamayo, isaga oo sheegay in kulanka maanta uu daaranyahay in wasiirada la siiyo qaabka ay u shaqaynso xukumada cusub.

Waxa uu sheegay in kulankaas lagu soo bandhigayo daraasaad laga sameeyay qaabka ay u shaqaynayo xukumadda cusub ee Soomaaliya.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa kulanka uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo sida ay u dardar gelin doonaan howlaha horyaalla, sida Amniga, doorashooyinka iyo baahiyaha ay qabaan Bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka oo socon doona muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa ka soo dhex-muuqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isaga oo jeediyay hadal ku aaddan wada shaqeynta Xukuumadda iyo Golaha Shacabka.

How do you rate this story?

0 votes