Manchester United Iyo Real Madrid Oo La Qalbi-Jabiyey &
Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ayaa la sheegay in uu dhabarka u jeedin doono labada kooxood ee Real Madrid iyo Manchester United oo lala xidhiidhinayay, isla markaana diyaar u ahaa inay qasnaddooda u jabiyaan xagaaga soo socda.
Xiddiga reer Norway ee gool-dhalinta layaabka leh ku qabsaday Yurub muddo kooban oo uu u ciyaarayay RB Salzburg iyo Borussia Dortmund ayaa waxa uu bartilmaameed u noqday kooxo waaweyn oo Yurub ah oo doonaya inay helaan.
Laakiin waxa tartankiisa kaga horreysa oo uu isaguna doonayaa inuu u wareego Liverpool, sida uu sheegay Agaasimi kooxda RB Salzburg oo xogogaal u ah Haaland iyo xaaladdiisa.
20 jirkan ayaa bishii January ee sannadkan waxa uu u wareegay Borussia Dortmund oo kasoo qaadatay RB Salzburg, waxaana 27 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 24 gool.
Christoph Freund oo ka hadlayay telefishanka Sky Sports iyadoo uu ag-fadhiyey halyeygii Bayern Munich ee Lothar Mattaus, ayaa waxa uu sheegay in laacibkani uu tegi doono Liveprool, waxaanu yidhi: “Liverpool ayaa ah halka uu ka degi doono.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Christoph Freund intaa ku daray: “Koox kasta oo dunida ah ayuu u ciyaari karaa. Maskaxdiisa, doonistiisa, isku-kalsoonaanta naftiisa waxa uu kubadda cagta Yurub gaadhsiin karaa heer kale.”
Halyeygii Bayern Munich ee Matthaus ayaa isaguna hoos u dhigay heerka tayada Borussia Dortmund oo uu xusay in aanay u qalmin in Erling Haaland uu waqti badan kusii qaato, waxaanu yidhi: “Dortmund waxay ka mid tahay tobanka kooxood ee ugu wanaagsan Yurub, laakiin waxa jira shan ama lix kooxood oo ka wanaagsan oo ah kuwa uu ka ciyaari karayo.
“Waxa aan ka fikirayaa kooxaha ugu sarreeya; Maaha daruuri Bayern Munich oo kaliya, sababtoo ah Roberto Lewandowski ayaa u ciyaari doona labada ama saddexda sannadood ee soo socda, waxaana laga yaabaa in Haaland aanu waqtigaas dheer sii joogi doonin Dortmund.”