Golaha wakiiladda Hirshabeelle oo Jowhar ku doortay gudoonka

Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Maamulka Hirshabelle, ayaa maanta gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle u doortay Xildhibaan Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed oo helay codad gaaraya 77 Cod, halka musharax la tartamay ee Goodir uu isla helay Codad gaaraya 21, waxaa xumaaday hal Cod.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle  ayaa ku dhawaaqay in Cabdixakin Luqmaan uu ku guuleystay Doorashada, isla markaana uu noqon doono Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Luqmaan ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii taageerada ka helayay Villa Soomaaliya sidda ay horay u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle.

Gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa loo doortay Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame oo uu tanaasulay Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo kula tartamayay Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka.

Goor dhow ayaa la guda gelay Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka 2aad oo ay ku tartamayaan laba Musharax oo kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Maamulkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More