Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 27°C
Breaking: Somali Pirates Briefly Seize Vessel in the Gulf of Aden
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Manchester United Oo La Saadaaliyey Kaalinta Niyad-jabka Leh

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Paul Ince ayaa saadaaliyey in Manchester United ay soo geli doonto kaalinta lixaad ee kala-sarraynta horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, kaddib natiijooyinkii ay ka keentay lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey.

Red Devils oo Axaddii guul-darro 1-0 ah ay Arsenal ugu xambaarisay garoonkeeda Old Trafford ayaa waxay ku jirtaa kaalinta 15aad ee horyaalka.

Lixda ciyaarood ee illaa hadda ayey ka heshay toddoba dhibcood oo kaliya, waxaana hadda shaqadiisu halis ku jirtaa Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdu ka fiirsanayso tababarihii ay ku beddeli lahayd.

Ciyaarta usbuuca soo socda ee Everton ayaa wax badan ka go’aamin doonta mustaqbalka tababaraha reer Norway, waxaana la sheegayaa inuu albaabka ka bixi doono haddii laga badiyo ciyaartaas.

Halyeygii Manchester United ee Paul Ince  ayaa waxa uu isaguna jamaahiirta kooxda kusii niyad-jabiyey saadaal uu ka sameeyey halka ay Red Devils kaga dhamaysan doonto horyaalka xili ciyaareedkan, taas oo ka dhigan in xili ciyaareedka dambe ay ka maqnaan doonto tartanka Champions League.

“Waxay ila tahay in xili ciyaareedkan ay lixda ugu sarreeya ka mid noqon doonto. Dhibaataduna waa natiijooyinka aan joogtada ahayn. Waxaad eegtaa sidii ay ula ciyaareen PSG, waxaanad u malaynaysaa inay afarta ugu sarreeya ku dhamaysan doonaan. Laakiin markaad eegto sida ay Arsenal ula ciyaareen, waxaad ku fikiraysaa inay nasiib leeyihiin haddii ay booska lixaad ku dhamaystaan.” Ayuu yidhi Paul Ince.

Ince oo hadalkiisa sii wata, waxa uu hoosta ka xariiqay in waxyaabo badan ka qaldan yihiin kooxdiisa hore, balse uu filayo inay xagga dambe iska sixi doonaan oo ay illaa kaalinta lixaad soo geli doonaan.

How do you rate this story?

0 votes