Ehelka Dadka uu Trump u diiday Degenaashaha Mareykanka oo
Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump oo lagu xusuusto tallaabooyin go’aanno adag ku dheehan oo uu qaatay mudada uu xafiiska joogo ayaa haatan wajahaya loolan doorasho oo uu markale ku raadinayo hanashada 4-sano oo kale.
Dadka Mareykanka ayaa ku kala qaybsan go’aamada uu qaatay Hogaamiyaha, qaarkood ayaa ku taageersan oo waxa ay ku tilmaameen in ay xal u yihiin dalka, halka qaar kale ay qabaan in dhibaato ku tahay dadka iyo sumcadda mareykanka.
Caqabadda ugu weyn ee uu wajahayo Hogaamiyaha Mareykanka waa diidista sharciga degenaanta Dalkaas, Dumarka qaar oo raggooda ka maqan dalka ayaa waayay warqad u ogolaaneyso dib usoo laabashada, halka qaar kale loo diiday in ay sii joogaan.
Haweenka Muslimiinta ah ayaa u arka in xayiraadda Hogaamiyaha Mareykanka ay si gaar ah u taabatay, waxa ay ku doodeen in haatan Ragga qaba ay ka maqan yihiin dalkaas, kaliya ay sugayaan natiijada doorashada 3-da November.
Pamela iyo Afshin Raghebi waxa ay u dabaaldegi doonaan sanadguuradoodii 10-aad ee guurkooda bisha Diseembar, balse farxad & murugo xusuustooda waxa ay ku xiran tahay natiijada doorashada Mareykanka ee Bisha November.
“Waxa aan u baahanahay gurigiisa, ninkeyga waxaa laga hor istaagay in uu Soo galo Mareykanka muddo labo sano laga joogo, kadib markii loo dhameystiri waayay sharciga joogtada ah ee deganaanshihiisa rasmiga ah” Sidaasi waxaa Wakaaladda APF u sheegtay Haweeneyda lagu magacaabo Pamela iyada oo ilmeyneysa.
Go’aanka Hogaamiye Trump waxaa taageertay Maxkamadda sare ee Mareykanka sanadkii 2018-kii, xayiraadda ayaa sameyn taban ku yeelatay muwaadiniinta Lex dal oo Muslimiin ah, inkasta oo markii dambe laga saaray dalka Ciraaq oo askar Ameerikaan ah joogaan.
Waxaa wehliya waddamo kale oo colaad dhanka diblumaasiyadda ah kala dhaxeyso Mareykanka, guud ahaan waddamadaas oo laga reebay Ciraaq waxa ay kala yihiin: Iran, Libya, Somalia, Syria, Yemen, Kuuriyada Waqooyi & Venezuela.
Baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in laga soo bilaabo Oktoobar 2019-kii ilaa haatan in ka badan 15,000 oo dad is qaba ah iyo carruur yar yar oo ay isku dhaleen saameyn ku yeelatay xayiradda Hogaamiye Donald Trump.
Haddba, Hogaamiye Trump xayiraaddiisa saameysay qoysaska dhibaato intee la eg ayay ku yeelan kartaa codadka doorashada uu rajeynayo?
Axadle.