DG Puntland oo sheegtay in ay heshay Liiska Ganacsatada

DG Puntland ayaa amar dul dhigtay shaqsiyaadka diidan socod-siinta lacagta shillin Soomaaliga ah, kadib markii isbadal xooggan uu ku yimid qiimaha sarifka halka doollar oo todobaadyo kahor ahaa 34,000 Sh.so, waxaana haatan lagu sarifayaa halka doollar 50,000 Sh.so.

Isbadalkaas ayaa sababay in Ganacsatada yar yar ay diido qaadashada doollarka, halka ganacsatada waaweyn ka gacma laabteen Shillin Soomaaliga, taasi ayaa dhalisay sicir barar saameeyay qoysaska danta yar.

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la kulmay Guddiga ku xigeenkiisa Axmed Karaash u xilsaaray soo qiimeynta xalka lagu dejin karo Xiisadda ka dhalatay lacagta ayaa soosaaray amar dhaqangalay 1-da December 2020 oo ah in Canshuurta lagu qaado Doollar.

Go’aankaas ayaa xoojiyay dibadbaxyada rabshada wata, maamulka ayaa ku qasbanaaday in meelaha ugu muhiimsan Magaalooyinka in uu dhigo Ciidamo dheeraad ah si loo kala eryo Dadka cabanaya.

Wasiirka Maaliyadda, Maamullada Gobollada, Degmooyinka ilaa Saraakiisha Booliiska waxa ay si joogta ula hadlaan Warbaahinta, halka arrin ay ka mideysan yihiin ayaa ah in ay tallaabo ka qaadayaan dadka diidan lacagta.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa shacabka uga digay diidmada lacagta & sii wadista dibadbaxyada rabshadaha wata oo sababay kacdoon safmar ah dhammaan Gobollada Maamulkaas.

Haddaba, DG Puntland maku guuleysan kartaa socod-siinta lacagta & saldhigidda sarifka oo sabab u ah diidmada?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More