Mikel Arteta Oo Warkii La Sugayay Ka Yidhi Sababtii Uu
Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sharaxaad faah-faahsan ka bixiyay sababtii uu kulankii North London Derby ee xalay garoonka ugu celiyay khadkiisa dhexe ee Thomas Partey oo dhaawacan isla markaana bixitaan doonata.
Musiibada Gunners ayaa halkeeda kasii socota kulamadii ugu dambeeyay waxaana ay xalay guuldarro 2-0 ah kala kulmeen kooxda uu xifaaltanka ugu weyni kala dhaxeeyo ee Tottenham oo laba gool ka kala heshay Harry Kane iyo Hueng Min Son.
Intii lagu gudo jiray weerarkii rogaal celiska ahaa ee ay Tottenham soo qaaday ee uu goolka u bedelay Harry Kane, Thomas ayaa ka baxayay garoonka isagoo u sheegayay tababarihiisa inuu dhaawac kale gaadhay.
Arteta oo marka horeba kulankan kula soo deg-degay Partey oo dhaawac kasoo laabtay ayaa sheegay in sababta uu bur-buriyaha ree Ghana ugu celiyay garoonka ay ahayd in kooxda weerar rogaal celis ah lagu soo qaaday.
Mikel ayaa kulanka kaddib yidhi “Waxay ahayd kubad deg-deg ah, waxaanu ahayn kuwa weerarka qaadaya, waxaan filayaa inay xaalad afar ciyaartoy oo saddex kahor tagaya ah noo ahayd anaga si aanu u ciyaarno baaska ugu dambeeya”
“Si deg-deg ah waxay u yimaadeen si ay noo weeraraan, Thomas-na aniga ayuu igu soo socday waxaanan isku dayay inaan riixo”
“Anigu isaga lamaan hadlin wali sidaas darteed ma garanayo sidii ay ku dhacday ama haddii uu dareemay wax dhab ahaan halis ah, waan eegi doonaan waanan ka wada hadli doonaa”
In badan oo kamida jamaahiirta Arsenal ayaa kaddib kulankii xalay codsanaya in shaqada laga caydhiyo Mikel Arteta iyagoo u muuqda kuwo samirkii kasoo dhammaaday.