DEG DEG: Hoobiyeyaal lagu garaacay Villa Somalia

Muqdisho (Axadle) – Dhowr hoobiye oo aan la garaneyn halka laga soo riday ayaa hadda ku soo dhacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee Caasimadda Muqdisho.

Ugu yaraan shan hoobiye ayaa ku dhacday hareeraha madaxtooyada, illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale lama garanayo meesha laga soo riday hoobiyeyaashaan, waxaana dadka ku nool xaafadaha ku hareereysan madaxtooyada soo wajahday cabsi xoog leh.

Wixii ka soo kordha kala soco Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More