RIKOODH: Lacagta Kasoo Xerootay Kulanka England vs Italy Ee Finalka

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa lacagtii ugu badnayd ka helaya kulanka finalka Euro 2020 ee England iyo Italy wada ciyaarayaan fiidnimada Axadda habeen dambe, waxaana inta ugu badan lacagtan soo xareeyey taageereyaasha Ingiriiska ee jibbada iyo hamuunta u qaba in ay arkaan xulkooda oo final ciyaaraya.

Gareth Southgate ayuu xulka dalkiisu u dagaallamayaa finalkii ugu horreeyey ee Euro ah, halka ay u tahay markii u horreysay ee ay final gaadhaan tan iyo koobkii adduunka 1966kii, waxaanay arrintan ku xaqiijisteen semi-finalkii ay Denmark ku garaaceen Arbacadii.

Kulankii semi-finalka ee England iyo Denmark waxa daawaday in ka badan 60,000 qof oo garoonka Wembley Stadium joogay, waxaanay ahayd taageereyaashii ugu badnaa ee muddo sannad iyo badh ah iskugu yimaadda garoon maadaama tan iyo bishii April ee sannadkii hore lagu ciyaarayay garoomo madhan.

Tigidhada daawada ciyaartii semi-finalka ayaa waxay u dhexeeyeen £501 illaa £296 Gini, waxaase ka duwan finalka oo kasii qaalisanaanaya.

Tigidhada daawashada ciyaarta finalka ayaa waqti horeba dhamaaday, waxaanay dadkii hore u qaatay qaarkood dib ugu iibinayeen suuqa madow, iyadoo la kala siisanayay £50,000 Gini.

UEFA ayaa tigidhada ku iibinaysay inta u dhaxaysa £810 illaa £510.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay, ciyaartan ayaa waxa tigidhada lagu gelayo garoonka oo kaliya kasoo hoyanaysa £25 milyan oo Gini oo ay UEFA gacanta ku dhigayso, taas oo noqonaysa lacagtii ugu badnayd ee hal ciyaar iyo daawashadeed laga helo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More