Dareenno isku dhafan Xilii Geele laa doortay markiisii shanaad

Shacabka reer Jabuuti ayaa ku soo baraarugay warka la sii dayey Sabtidii in madaxweynahoodu sii hayn doono hoggaanka shan sano oo kale.

Natiijooyinka ku-meelgaarka ah ayaa muujiyay in Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guuleystay in ka badan 98 boqolkiiba codadka la dhiibtey.

Wuxuu ka hor yimid hal nin oo kaliya oo la tartamay ka dib markii dadkii ka soo horjeeday ay qaadaceen codeynta.

73 jirkan ayaa xukunka hayay labaatan sano. Dadka deegaanka qaarkood, wuxuu toosh ugu yahay xasilloonida.

“Dhammaanteen waan faraxsanahay, waxaan u codeyneynaa 100% IOG, waxaan taageersanahay madaxweynaha.

Waxaan aadnay subaxnimadii hore ee goobaha codbixinta dhammaanteenna waan isku raacsanahay,” ayay tiri dukaanley Halima Bourhan Ali oo la hadlaysay  Shabakadda Africanews

Dadka qaar, dib u doorashadiisa waxay uga dhigan tahay in dhibatadda ay soo korartey in kasto ay markeedi hore ay dhibaatooyin badan oo dalka ka jira ay jireen, Marka la eego  Bulshadda reer oo boqolkiiba 20 dadka ku nool ay ka hooseeyaan heerka saboolnimada.

Mahamoud Youssouf Ali, tagsiile ahna walaalkii Fouad Youssouf Ali, oo hore u ahaa gaashaanle ka tirsan ciidanka Djibouti, kaas ku jira xabsiga dhexe dalka:

“Ma dhihi karno waa madaxweyne, madaxweyne wuxuu abaabulaa doorashooyin wanaagsan, tani ma ahayn doorasho.

Waxaan galeynaa xilli shan sano oo dhibaato ah, in ka badan sidii hore, shan sano oo dhibaato ah, shan sano oo shaqo la’aan ah, shan sano khayaano qaran ah, shan sano halka na la dhigi doono Alle og yahay, “Mahamoud Youssouf Ali, oo ah darawal tagsiile ah oo ay walaalo yihiin Fouad Youssouf Ali, oo ahaa sarkaal hore uga tirsanaa ciidanka Djibouti oo xidhan. Ayaa sidaas yirii

Geelle, iyo qoyskiisa ballaadhan, waxay gacanta bir ah ku hayaan gobolkan. dadku ay wada saboolka yihiin. Shacabka waxaay arkeen nabaad guur ku yimid xoriyada saxaafada iyo cadaadis lagu qaaday mucaaradka.

Laakiin shacabka Jabuuti waxaay door bideen xasiloonidda oo waa sababta uu gobalkani uu yahay  xasilloon oo ah aag xasilloon, oo daris la ah Soomaaliya iyo Yemen oo ay qalalaaso dagaal afeeyen.

Waddanku wuxuu ka faa’iideystay mowqifkiisa juqraafiyeed wuxuuna aad u maal gashaday dekedaha iyo kaabayaasha saadka.

source: By Africanews

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More